Madaxweyne;Farmaajo Oo Booqasho Ku jooga Immaaraatka Carabta.

Abudhabi(FMN)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah in lagu tixgaliyo Soomaaliya go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka, Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Al-shabaab.

Booqashada Madaxweyne;Farmaajo ayaa kusoo aadaysa xilli aanu fiicnayn Xidhiidhka Siyaasadeed ee ka dhaxeeya Immaaraatka Carabta Iyo Soomaaliya kadib markii ay Soomaaliya ku adkaysatay in ay dhex-dhexaad katahay Khilaafka wadamada Khaliijka ka dhex aloosan gaar ahaan Xulafada Sacuudiga iyo Qatar oo dhinac ah.

Leave a Reply