Madaxweyne;Farmaajo Oo Addisababa Booqasho Rasmi ah Ku Yimid.

Addisabeba(FMN)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta galinkii danbe booqasho rasmi ah ku yimid Magaaladan addisabeba ee Caasimada u ah dalkankada Itoobiya.

Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Dr;Warqineh Gebayuh ayaa garoonka Caalamiga ah ee Bole international Airport ku soo dhaweeyay Waftiga ka socday Dalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxweyne; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ujeedada safarka Madaxweyne; Farmaajo ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay tahay mid uu ku raadinayo taageero ciidan oo lagu siiyo dagaalka ay Dawladiisu kula jirto kooxda Alshabaab ee sida ba’an uga soo horjeeda Dawladnimada Soomaaliya.

Waftiga Madaxweyne;Farmaajo ayaa la filayaa in ay kulan wax ku ool ah laqaataan Ra’isulwasaaraha Dalkakadan Itoobiya Mudane;Hailemariam Deselign,iyadoo ay si waafi ah uga wada hadli doonaan xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Waftiga Soomaaliya ayaa ka yimid dhanka Uganda oo ay sidoo kale kulan kulasoo yeesheen madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni,iyaga oo kala soo hadlay sida ay Uganda gacan uga geysan karto dagaalka dhawaan la iclaamiyay ee ku wajahan Kooxda Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii ay kooxda Alshabaab ka geysatay magaalada Muqdisho weerar ba’an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen,Dawlada Soomaaliya ayaana waxii weerarkaas ka danbeeyay bilaawday ol-ole balaadhan oo ay ku doonayso in ay tallaabo milatari kaga jawaabto.

Leave a Reply