Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Oo Jowhar Soo Gaaray.

Jowhar–FMN– Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Goor dhow gaaray Magaalada Jowhar Ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle halkaas oo Maanrta ay ka dhaceyso Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhamaantooda gaaray Magaalada Jowhar oo ay ka socoto Xafladda Caleemasarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale waxaa tagi doona Magaalada Jowhar Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya  Mudane;Xassan Cali Kheyrre oo asna ka qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka.

Xigasho=Radio Kulmiye

 

Leave a Reply