Mac’hadka Heritage Oo Soo Saaray Daraasad Cusub Oo Ku Saabsan Siyaasadda Soomaaliya.

Muqdisho(FMN)—Mac’hadka Daraasadaha iyo Cilmibaadhista Siyaasadaha ee Heritage ayaa soo saaray warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Xaaladaha Ammni iyo Siyaasadeed ee uu haatan ku suganyahay dalka Soomaaliya.

Haddaba waxa aan halkan idiinkugu soo gudbinaynaa nuqul kamid ah warbixintaas oo ay heshay Shabakada Warbaahinta Ee Feer-feer Media Network.Waana tan warbixintii ee ka bogasho wacan.


Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad
nabadeed ee uma baahna mid colaadeed.

Qodobada ugu muhiimsan:-

• Meeshii ay abuuri lahayd jewi keeni kara xasilooni siyaasadeed, dowladda Soomaaliya waxaymuruq, maal iyo magacba ku lumisay is-qab-qabsi macno darro ah oo ay kula jirto maamulladagobolada iyo xooggaga siyaasadeed.

• Is-afgarad baahsan oo inta siyaasadda ku jirta ah ayaa ah waddada ugu sahlan ee dalka ku heli karo
siyaasad xasillan, waana midda lagu gaari karo in al Shabaab laga guuleysto.

• Khilaafka Khaliijku xasiloonida siyaasadda Soomaaliyeed waxa uu u keenay mushkilo weyn, isagaoo iska hor-keenay dowlad goboleedyada iyo xoogag kale oo siyaasadeed iyo dowladda federaalka.Dhinacyada isku haya muranka Khaliijka, haddii ay daacad ka yihiin in ay Soomaaliya ku caawiyaanxidideysiga sookabashada curdanka ah, waa in ayan Soomaaliya kula soo galgalan loolankooda.

• Is-afgaranwaaga siyaasadeed ee hadda taagan, waxaa fure u noqon kara, in si loo dhan-yahay loo
dardar geliyo, loona guda-galo dib-u-eegista dastuurka; waxaase ka horreeya in inta siyaasadda iyohoggaanka Soomaaliya saamaynta ku leh ay diyaar u yihiin in ay ka faa’iideystaan fursadda, xalna uhelaan culaysyada haysta dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Halkan Ka Akhriso Daraasadan Oo Dhamaystiran.

Leave a Reply