Maamulka Degmada Feer-feer oo Shaaca Ka Qaaday Miisaaniyada Iyo Qorshaha Waxqabadka Sanadka 2010ka.

Feer-feer(FMN)—Waxaa saaka ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Degmada Feer-feer ee katirsan Gobolka shabeelle ee DDSI, Kulan ballaadhan oo ay shir guddoominayeen Gudoomiyaha Maamulka Degmada Mudane; Maxamed Cabdi Cabdulahi iyo Madax Xafiiseedka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Dagmada Marwo:-Ruqiyo Sheekh Ismaaciil.

Kulankan oo Sidoo kale ay kasoo qeyb-galeen,dhammaan Xubnaha kaabineetka Degmada,Qaar ka mid ah Odayaasha ,Haweenka iyo qeybaha kala duduwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Feer-feer, ayaa ujeedkiisu ahaay in lagu Shaaciyo Miisaaniyada Sanadkan 2010 ka loo qorsheeyay Degmada Feer-feer.

Madax Xafiiseedka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Dagmada Marwo:-Ruqiyo Sheekh Ismaaciil oo goobta ka hadashay  ayaa si faah-faahsan usharaxday Miisaaniyada Sanadkan ee Degmada iyo waxyaabaha lagu qabanayo amaba dhinacyada Xoogga la saarayo,iyadoo sidoo kalena ka warbixisay qaabka ay xafiisyada oogu kala qoondeeyeen miisaaniyada Sanadkan,Waxa aynaxafiis  walba u cadeeysay cadadka miisaaniyadeed ee xafiiskooda ku soo aaday,kulana dar-daarantay in ay si wanaagsan u adeegsadaan qarashaadka loo jaan-gooyay.

Miisaaniyada maanta kulankaasi lagu soo bandhigay oo ay Wadarteeda Guug Dhantahay;-50,074243(Kontan Milyan,Toddobaatan iyo afar Kun,Laba boqol afartan iyo saddex Riyaal),islamarkaana xafiis walba Si gooni ah loogu qoondeeyay qarashaadkiisa  ayaa Si guud loogu kala jajabiyay sidan soo socota:-

  • Mushaar:-25,529,465(Labaatan iyo Shan milyan,shan boqol labbaatan iyo sagaal kun Afar boqol Lixdan Iyo shan riyaal).
  • Mashaariic :-18,958,396(Siddeed iyo Tobban Milyan,Sagaal Boqol Kontan iyo siddeed Kun,Saddex Boqol Saggaashan iyo Lix Birr).
  • Howl-fulin;- 5,586,202(Shan Milyan, Shan boqol siddeetan iyo Lix Kun,Laba boqol iyo laba birr). 

Shirkan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha waxqabadka iyo Mashaariicaha horumarineed ee la doonayo in sanadkan laga hirgaliyo degmada iyo qabaleeyada Hoosyimaada. waxaana Qorshayaashaasi ka Mid ah Qorshaha BBC(Biyo,Baad iyo Caafimaad) oo ah mid ay dhawaan hindistay xukumadda DDSI,lana doonayo in sare loogu qaado wax soosaarka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dihan ee Deegaanka ku aasan.

Caaqil;Axmed Sheekh Abuukar(Ingiriis) oo kamid odayaasha iyo Waxgaradka Degmada feer-feer ee Kulanka saaka ka qeyb-galay  oo uwaramayay Shabakada Warbaahinta ee Feer-feer Media Network(FMN) ayaa sheegay in ay si weyn usoo dhaweeynayaan Miisaaniyada ay Xukumada DDSI  udejisay Degmada Feer-feer islamarkaana ay diyaar uyihiin ka faa’iideysiga iyo ka qeyb galka howlaha horumarineed ee ka socda Guud ahaan Deegaanka Gaar ahaan Degmada feer-feer ee Gobolka Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee Miisaaniyada maanta lagu dhawaaqay ayaa ah tii ugu balaadhnayd ee abid degmadaasi loo qabto,waxaana la rajaynayaa in ay wax badan kusoo kordhin doonto howlaha horumarineed ee Degmada Ka socda islamarkaana ay bulshadu si wanaagsan uga faa’iideysan doonto.

Leave a Reply