Ma Run Baa In;Safiirkii Soomaaliya Ufadhiyay london uu Iscasilay?

London(FMN)-Safiirkii Dawlada Soomaaliya ufadhiyay magaalada london ee Carriga ingiriiska Mudane;Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa Goordhaw Warbaahinta U xaqiijiyay in uu  iska casilay xilka safiirka Soomaaliya ee UK.Mr. Caynte  waxaa xilkan u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo bishii June ee sanadkan.

Mudane;Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte waxa uu  sheegay in uu ku biiray xafiiska Qaramada Midoobey ee bariga Dhexe.Isaga oo sababta is casilaadiisana ku micneeyay arrimo la xiriira qarash la’aan iyo dowladda federaalka ah oo ku guul-dareysatay dhismaha safaaradda.

Madaxweyne;Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa Bishii June magacaabay Saddex Safiir oo Kala Ahaa:

1Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga. Jaamac ayaa ah waji ku cusub siyaasadda gaar ahaan hawlaha dibloomaasiyada, wuxuuna ka tirsanaa ololihii Madaxweyne Farmaajo. Jaamac ayaa hore ugu hungoobay in uu ka mid noqdo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.

2.Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynteayaa loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Caynte waxa uu ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii ee madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan SheekhMaxamuud, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

3.Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle). Abuukar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN) u joogi doona Soomaaliya. Abuukar ayaa 3 biloodoo keliya ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif SheekhAxmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee,shaqo ka tegista safiir ;Ceynte ayaa kusoo aadaysa xilli ay Dawlada Madaxweyne farmaajo wajahayso mowjado siyaasadeed oo kaga immaanaya dhanka maamul goboleedyada iyo Mucaaradka.Iyada oo ay intaasi udheer tahay Dhaleecaynta loogu jeedinayo Waxka  qabasho la’aanta amni darada dalka kusii baahaysa.

Mr Ceynte ayaa sidoo kale Dawladdii Xassan Sheekh Maxamuudna ka soo qabtay Xilka wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.Xafiiskaas oo uu hayay ilaa iyo intii ay ka dhacaysay dawladii Ra’isul wasaare; Cumar Cabdirashiid.

 

Leave a Reply