Kulankii Ra’isul-Wasaare;Kheyre Iyo Dhiggiisa Turkiga;Binali Yildirim Oo Soo Af-meermay.

Ankara(FMN)—Kulan ay maanta magaalada ankara ee Wadanka Turkiga ku yeesheen Ra’isul-Wasaarayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ;Xassan Cali Kheyre Iyo Binali Yildirim ayaa goor dhawayd soo af-meermay,Iyadoo kulanka kadibna ay labbada mas’uul si wada jir ah uqabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen qodobadii ay islasoo qaadeen mudadii uu kulankoooda Socday.

Ra’isul-wasaarayaasha ayaa sheegay in ay si qoto dheer uga wada hadleen danaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal oo ah mid marba marka ka danbaysa sii wanaagsanaanaya,waxayna si gaar ah isula soo qaadeen xaaladihii udanbeeyay ee dalka Soomaaliya gaar ahaana dhanka  arimaha ammaanka iyo dib udhiska Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Turkiga Waa Walaalo aan weligood kala harayn, Waxaana taageero ka siinaynaa Dagaalka ay ku Dhawaaqday oo ay la galayso Shabab.” Sidaasi Waxa yiri Ra’isulwasaraha Turkiga Bin Ali Yaldarim.

Ra’iisal wasaarahe Xassan Cali Kheyre ayaa Isaguna war qoraal ah oo uu soo dhigay barta Uu kuleeyahay Facebook-ga kaga war bixiyay kulankii dhex maray isaga iyo dhiggiisa dalka turkiga.Qoraalka ra’isul-wasaaraha Soomaaliya ayaana uqornaay Sidan Soo socota;-

Waxan ku faraxsanahy kulun muhiim ah oo aan Laqaatay Ra’iisul Wasaaraha Turkey, waxaan ka wada hadalnay arrimaha dhaqaalaha, amniga, caafimaadka iyo la dagaalanka argagixisada.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu noo balan qaaday in uu gacan weyn oo dhan walba ah ka geysan doono dagaalka aanu dooneyno inaan ku soo afjarno Argagixisada oo markan u soo jeesatay gumaadka shacabka somaliyeed, waxa xusid mudan in dowladda Turkey bixin doonto dhaqaalaha kubaxaya dagaalkan, dowladda Turkey waa ku mahad san yihiin garab istaagga wallaallimo dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

ra’isul-Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale kulan la qaatay madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane;Rajib Dayib Ordogan.kulanka labadan mas’uul iyo waxii kasoo kordhaba  dib ayaan idinkala wadaagi doonaa haddii Eebbe idmo ee isha ku haaya Shabakada War-baahinta ee Feer-feer Media Network.

 

Leave a Reply