Kulan Wada Tashi Ah oo Jig-jiga Uga Furmay Odayaasha Iyo Maamulka DDSI.

Jig-jiga(FMN)—Shirweyne ballaadhan oo lagaga arinsanayo Arimaha Amniga,Horumarka iyo Maamulka Suuban ayaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee Madaxtooyada DDSI ee Magaalada jig-jiga.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha DDSI Mudane;Cabdi Maxamuud Cumar ayna goob joog yihiin Madaxweyne Ku xigeenada,Gollaha kaabineetka Iyo Qaar kamid ah maamulada Gobolada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Odoyaasha iyo Waxgaradka Deegaanka.

Muddada uu shirkani socdo ayaa la filayaa in war bixin kusaabsan xaaladda guud ee uu Deegaanku haatan ku suganyahay gaar ahaan dhinacyada;Nabad galyada iyo Horumarka  looga dhagaysto Madaxda Xukumada DDSI,kadibna ay Odayaasha iyo wax garadku fekerkooda ka dhiibtaan,Ugu danbayntana war murtiyed lagasoo saaro.

Si kastaba ha ahaatee,kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay wali taagantahay Colaada udhaxaysa Qowmiyadaha;Oromada iyo Soomaalida oo muran balaadhan  ka taaganyahay deegaanada ku teedsan xudduudda labada deegaan Islamar ahaantaana Oromada lagu eedeeyay in ay wado dhul balaadhsi iyo isku fidin qeybo ka mid ah dhulka ay soomaalidu leedahay.

Isha Sawiradan:-

Leave a Reply