Kulan Looga Arinsanayay xaalufinta Deegaanka iyo Nabaad-guurka oo Ka Dhacay Jig-jiga.

Jigjiga(FMN)—Waxaa maanta ka furmay magaalada jigjiga gaar
ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta Madaxtooyada DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayo ilaalinta deegaanka gaar ahaan xakamaynta iyo ka hortaga xaalufinta dhirta, tir tirida xayn-daabka
seeraha sharcidarnada ah iyo guud ahaanba dar-dargalinta qorshayaasha horumarka deegaanka.


Kulankan oo ah kii ugu horeeyay ee taariikhda
deegaanka abid ay ka soo qaybgalaan hogaaminta
tuulooyinka DDSI ayaa waxaa hogaaminayay
madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar
iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna
gudoomiyaha XDSHSI mudana Maxamedrashiid Isaaq,
waxaana ka soo qaybgalay, masuuliyiinta xafiisyada
heer deegaan, hogaaminta gobolada DDSI, maamul
magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka DDSI.


waxaan, furitaankii kulankan ka hadlay madaxwaynaha
DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax
dheerka bixiyay ajandayaasha kulankan
madaxwaynaha ayaa sheegay in ujeedata kulankani
tahay sidii loo hirgalin lahaa istaraatajiyadaha iyo
qorshayaasha kor loogu qaadayo ilaalinta deegaanka
gaar ahaan qorshayaasha lagu xakamaynayo xaalufinta
dhirta, nabaad guurka carada, xayn-daabka seeraha
sharcidarnada ah iyo sidii loo dar-dargalin laha guud
ahaanba qorshayaasha horumarka deegaanka
madaxwaynaha ayaa sheegay in mudada uu kulankani
socdo ay hogaaminta deegaanka heerar-kooda kala
duwan si mug leh qorfayndoonaan taabagalinta
qorshayaashaasi.


Dhankooda qaar ka mid ah hogaaminta deegaanka gaar
ahaa gudoomiyayaasha tuulooyinka DDSI oo ka
hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay tahay muhiim
ilaalinta deegaanku kuwaasi balan qaatay in ay sidii
loogu talagalay u hirgalinayaan qorshayaasha lagu
xakamaynayo xaafulinta dhirta iyo xayn-daabka
seeraha sharcidarnada ah kulankan ayaa maal-maha
soo socda ka sii socondoona madasha shirarka kaali
ee xarunta madaxtooyada DDSI.

Isha warkan:-Cakaaranews

Leave a Reply