Kulamo Wadatashi ah oo Ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Muqdisho (FMN) —Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoconaya kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo kuwa Dawlad-goboleedyada Dalka, kuwaasi oo arrimo dhowr ah looga hadlayo.

Kulamada oo ah kuwa hor dhac u ah shirka uu iclaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa goob joog ah Madaxweynayaasha Dawlad-goboleedyada Puntland, Hir-shabelle, K/Galbeed, Gal-mudug, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dalka Mudane; Maxamed cabdullaahi farmaajo iyo Raiisul wasaare;Xasan Cali Kheyre, waxaana diiradda lagu saarayaa wadatashiyo la xiriira qaabka uu noqonayo shirka u dhaxeeya Dawladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo lafilayo in galinka dambe ee maanta uu furmo.

Kulamo shalay ay yeesheen dhinacyada ayaa laisku raacay in ajandaha shirka uu noqdo sida laisaga kaashan karo ladagaalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab oo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed.

Xigasho:-

Leave a Reply