Koox Dil Ka geysatay Degmada Hodan Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay.

Muqdisho—FMN—Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta qof shacab ah ku dishay Xaafadda Tarabuunka ee ka tirsan Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen Wiil Bastoolad ku hubeysan oo tooganaya qof Sahcab ah oo ku sugnaa Nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan lamana oga Sababta keentay.

Qofka la dilay ayaan la ogeyn waxa uu qaban jiray balse dadka deegaanka waxay sheegeyn in uu ka mid ahaa dadka deegaanka ee halkaas ku nool balse aan la ogeyn waxa uu ka shaqeyn jiray.Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta uga waramay Dilkii ka dhacay Xaafadaasi iyo Howlgal ay sameeyeen Ciidanka ammaanka.

Dhinaca Kale;Taliska Saldhigga Ciidanka Booliska Soomaaliya ee degmada Hodan ayaa xaqiijiyay dilka maanta ka dhacay degmadaasi.Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhigga degmada Hodan C/fataax  ayaa warbaahinta u sheegay in la soo qabtay ragii dilka maanta ka geestay degmadaasi kadib Howlgal ay sameeyeen Ciidanka ammaanka hadana ay baaritaano ku wadaan.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan hada warbaahinta la hadli Karin markii uu soo dhammaado Baaritaanka raga la qabtay ee dilka ka geystay degmadaasina ay Faah faahin ka bixin doonaan Laamaha ammaanka.Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uusan ogeyn ilaa iyo hadda waxa uu ahaa qofka la dilay balse lagu guuleestay in la soo qabto qofkii dilay.

Degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda tarabuunka ayaa dhowr  jeer waxaa lagu dilay dad kala duwan sidoo kale waxaa halkaasi ka dhacay marar badan weeraro kala Duwan oo lagu qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadaasi.

Xigasho:-

Leave a Reply