Itoobiya oo hoos udhigtay Qiimaha lacagta Birta.

October 12(FMN)Bangiga qaranka ee dalka itoobiya(NBE) ayaa 11kii bishan october ku dhawaaqay inuu hoos udhigay 15% qiimaha sarifka lacagta Itoobiya ee Birta loo yaqaano.Hoos udhigidan qiimaha lacagta ayaa ah tii ugu horeysay ee uu bangigaasi ku dhawaaqo tan iyo sanadkii 2010ka.Sarifka lacagta Birta ayaa waxii hadda ka danbeeya noqon doona 26.91  marka lagu badalayo Dollar.

Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inuu sare uqaaday xaddiga dul-saarka deymaha(Interest Rate).Ku xiggeenka maamulaha bangiga qaranka Itoobiya Mudane;Yohannes Ayalew,ayaa arintaasi kasheegay shir jaa’id oo uu ku qabtay magaalada Addisabeba ee caasimada u ah dalka itoobiya.

“Maadaama lacagta maalgalinta ah ee wadanka soo galaysa ay aad usareyso ,qiimo dhimistani wax sicir barar ah iyo cadaadis toona kuma keenayo alaabaha dalka dibadiisa laga keeno ee wadanku isticmaalo,” Ayuu yidhi Yohannes.

Qodobka oo faah-faahsan halkan ka daalaco……

Leave a Reply