Gudoomiyaha IEBC oo kulan la yeelanaya Murashaxiinta Madaxweynanimo.

Nairobi(FMN)-Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu kulan ka dhacaya maqaaxida Serena ee magaaladatani Nairobi ku casuumay dhamaan murashaxiinta loolanka ugu jiro qabashada hogaanka dalka.

Shirkaasi ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo 2-da duhurnimo ee maanta waxaana loogu baaqay inay ka soo qeyb galaan dhamaan siyaasiyiinta u loolamaya madaxtinimada dalka.Waxaa diirada lagu saari doonaa doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ee la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan tobnaad oo ku beegan maalinta khamiista ee todobaadka soo socdo.

Shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee dalka uu walaac ka muujiyay kala qeybsanaanta ka dhex jirto gudiga IEBC.Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in uu san damaanat qaadi Karin in la qabanayo doorasho madaxtinimo oo ku celis ah, taasi oo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoonaan karo.Mr;Chebukati ayaa xiligaasi hogaamiyaasha jubilee iyo Nasa wadahadal ugu baaqay.

Hasa ahaate, madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu ku jiro ol-ole siyaasadeed oo uu kenyaanka uga codsanayo inay 26-ka bishan codkoodu ku tageraan sidaas awgeedna uusan fursad u haynin wadahadal.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegay inaysan jirin arrin waqti xaadirkan ay ka wada hadli karaan Madaxweyne Uhuru iyo Raila OdingaHadalka Ruto ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hogaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga uu ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay kulan dhex maro isaga iyo Uhuru Kenyatta.

Isha Warkan:-Star Fm.

Leave a Reply