Guddoomiyihii Lagaaday!-Maqaal.W/Q:-Cabdirisaaq Macalin Cilmi

Hadda ka hor,nin guddoomiye degmo ahaay oo aqoontiisu iyo waaya-aragnimadiisa siyaasadeed aanay saa usii buurnayn;rag hargaanti ahna ay la shaqeeynayeen,baa maalin maalmaha kamid ah damcay inuu fasax shaqo qaato oo howsha kayara nasto kadib arimo caafimaad oo lasoo dersay aawadood.Guddoomiyihii waxuu arinkii ku wargeliyay golihiisii Cabinet-ka oo iyaguna dood dheer ka dib isku raacay in sida sharciguba dhigayo uu guddoomiyuhu xilka si kumeel gaadh ah kusimme ahaan uu Guddoomiye kuxigeenkiisa ugu wareejiyo dhammaanba awoodihii iyo waajibaadkiisii Guddoomiyenimo.Waxaana lagu balamay in berrito laqoro warqadii Xil-wareejinta.

 
Markii Shirkii lagasoo dareerar baa xubnihii golaha cabinet-ka oo rag waxbartay ubadnaay si gaar ah isu arkeen,waxaana la is tusay in ay muuqato fursad dahabi ah oo kar-kaarka lagu weydaarin karo guddoomiyahaan Ummiga ah oo ay awalba ulo booco ugu tukubayeen,se meel ay umaraan la’aayeen.Waxaa talo ahaan loosoo jeediyay in warqada loo qoro qaab hoos-gelis ah oo aanu odaygu fahmi karin,islamarkaana si sharci ah xilka ka qaadistiisa looga saxiixo,hadhowna ay warqadiisaa xujjo kunoqoto.
 
Deedna subaxii baa xoghayntii oo waxjira moog ah horeyna loogu sheegay in waxii la amro un ay qabato cidna aysan lawadaagi karin sirta Xafiiska maamulka,la amray in sida ay tahay ay uteeb-garaacdo warqadan oo ay dhiraan-dhirkeeda(Draft)hore gacanta ugusoo qoreen rag kamid ah kuwii shirqoolka watay.Xog-hayntii baana warqadii qortay waxaana loo dhigay sidan;
 
“KU:-Dhammaan Qeybaha Ay khuseyso====Rugtooda.
OG:-Guddoomiye Kuxigeenka maamulka Degmada===Rugtisa.
 
                 UJEEDO:-Xil-wareejin.
Aniga oo ah guddoomiyaha maamulka Degmada_________Mudane;_______waxa aan xilkii iyo waajibaadkii shaqo ee sharcigu ii igmaday si Rasmi ah ugu wareejiyay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka Degmada Mudane;_______.Kadib markii ay ila soo deristay xaalad caafimaad oo iisaamixi weysay in ay howsheeyda si waafi ah uguto.Waxaa kale oo aan ku wareejiyay dhammaanba gashiyadii(Documents)kii lagama maarmaanka u ahaay habsammi usocodka howlaha Xafiiska maamulka Degmada.Xil-wareejintan Waxaa goob ka ahaay Xubnaha maamulka ee Magacyadooda hoos ku xusan yihiin
Allaa Mahad leh!”.
 
Guddoomiyaha Maamulka Dedmada ____ Mudane; _____ Saxiixiisa_____.Taariikh_______
Xubnaha Goobjooga ah;-
1.Mudane;____________Saxiixa_______
2.Marwo;______________Saxiixa______
3.Mudane;______________Saxiixa_____
 
Odaygii Guddoomiyaha ahaay asaga oo aan si sax ah u akhrisan waxa meesha ku qoran oo aan fahmin khiyaadana ku duugan ee ah”SI RASMI AH”,halkii laga odhan lahaay,:SI KUMEEL-GAADH AH”..ayuu saxiixa ku duugay,Xubnihii kalena si farxadi ku dheehantay bay xilkooda uguteen oo warqadii bay saxiix kula taag-taagsadeen.Kadibna warqadii oo tiimbaraysan baa loo kala qeybiyay dhinacyadii ay khuseysay.Guddoomiyihii la gaadayna nuqul kamid ah qoraalkii lagu qaaday buu jeebka ku qaatay.Marxaba iyo soo noqo adoo nabad ah baa afka laga yidhi.
 
Isla Judhii xafiiska laga soo dareerayba waxaa magaaladii ku dhex faafay warkan xiisaha leh ee muujinaya in guddoomiyihii degmadu is casilay kagadaal markii uu xanuun lasoo dersay.Odaygii waabaa ku baryay xilli ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen buuna or-orod bilaabay.Nasiib daro qof kastoo uu ugar dhigtaba waxuu ku yidhaahdaa,”Bal itus warqada aad saxiixday waxa ku qoran”.Markuu isha laraacana inta uu afka maroojiyo unbuu dib ugu celiyaa oo yidhaahdaa,”Way dhantahay/Kunoqod maleh ee sabir iyo iimaan alle hakaa siiyo”.siddaas ayuu ninkaasi xilkiisii ku waayay oo gacantiisa isku geba-weray.
 
Sheekadan waxa ay igusoo dhacday kadib markii aan arkay warbixinta qoladii guddiga ahayd ee loo xilsaaray baadhista kiiskii qalbi-dhagax ee natiijada baadhitaankooda baarlamaanka la horyimid,oo warkooda kusoo gunaanaday in;madaxda qaranku la marin habaabiyay oo si khaldan wax loogu sheegay markii ay ogolaanayeen fulinta arintaas.Haddiiba ay ansax noqoto sheegashadaasi waxaa muuqata in nimankaas wax badan la hoosmarin karo oo ay deganyihiin.Waxa ay ubaahanyihiin in ay waxbadan ka ogaadaan shir-qoolada siyaasadeed ee la isu soo maleegayo,gaar ahaan kuwooda qoraalka iyo afka sheegga ah oo ay aad udhuuxaan biya dhaca iyo ujeedada dhabta ah ee waxa ay saxiixayaan amaba ogolaanayaan,haddii kale sida ninkaas oo kale bay subaxa danbe xilkooda sahal kuwaayi doonaana amaba denbiyo waaweyn ku geli doonaan.
 
 

Leave a Reply