Guddoomiye;Thaabit Oo Roma Socdaal Shaqo Ku Jooga.

Roma(FMN)—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane;Thaabit Cabdi Axmed ayaa galinkii danbe ee maanta  booqasho shaqo oo rasmi ah ku yimid magaaladan Roma ee dalkan Talyaaniga,iyaga oo kasoo kicitamay Caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo waftiga ku wehlinaya safarkiisan shaqo  ayaa uyimid sidii ay uga qqeyb gali lahaayeen shir caalami ah oo ku saabsan kobaca iyo koritaanka magaalooyinka dunidan aynu ku noolnahay oo ay martigalinayso Caasimada dalkan Talyaaniga ee Rome.

Magaalada muqdisho oo ah Caasimmad ay 30 kii sano ee udanbeeyay la dageen dagaalada sokeeye,dilalka abaabulan iyo qaraxyada ayaa hadda umuuqata mid laga dareemayo soo kabasho iyo kobac dhanka dhismayaasha,ganacsiga iyo bilicdaba ah,iyadoo ay dad badan oo Soomaali iyo ajaaniba isugu jira ay ku dhiiranayaan in ay hantidooda ku maalgaliyaan magalada Muqdisho.

Ugudanbayn,booqashada Guddoomiye;Thaabit iyo xubnaha kale ee la socda ayaa immaanaysa xilli xaaladda ammaan ee magaalada muqdisho ay baryihii udanbeeyay ka dhacayeen qaraxyo waaweyn oo galaaftay nolosha in kabada 500 oo ruux,iyadoo maamulka magaalada muqdishana ay la daalaa dhacayaan xal uhelida qaraxyadaasi soo noq-noqday.

 

Leave a Reply