Guddiga Taakulaynta Iyo Tabarucaada Qaranka Oo La Magacaabay.

Muqdisho(FMN)Ra’iisul Wasaaraha xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa maalinimaddii shalay ahayd  magacaabay Guddiga Taakuleynta iyo Tabarrucaada Qaranka oo dhammaantood laga soo xulay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddigan ayay howshoodu noqon Doontaa Isku duwida iyo Agaasimida gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14kii Bishan ka dhacay Is-goyska Zoppe ee magaalada Muqdisho,Halkaas oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 400 oo qof,tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen.

Xubnaha Guddiga waxa ay kala yihiin;

1. Cabdullaahi Maxamed Shirwac, Guddoomiye
2. Maxamed Yuusuf (Tigey), Guddoomiye Ku Xigeen
3. Sh. Nuur Baaruud Gurxan, Xubin
4. Sh Bashiir Axmed Salaad, Xubin
5. Caasho Shaacuur Ugaas, Xubin
6. Aamina Xaaji Cilmi, Xubin
7. Sh Cabduqaadir Sh Maxamed (Soomoow), Xubin
8. Sh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis), Xubin
9. Sh Yuusuf Cali Caynte, Xubin
10. Khadar Ismaaciil, Xubin
11. Sucdi Daahir Diiriye, Xoghaynta Guddiga

Xukumada ayaa intaas ku dartay in  Si looga fogaado in lacagaha lagu tabarruco aysan ku dhicin gacan khaldan, loo baahanyahay in samefalayaashu ay kalmadoodu ku soo hagaajiyaan Guddigan.Kuwaas oo ay Xukumadu kula xisaabtami doonto lacagaha ay qaadeen iyo meelaha aynku bixiyeen.

Guddiga Waxaa lagala Xidhiidhi karaa Telefoonka lambarkiisu yahay;0618788111,kaas oo ah mid mar walba furan.

Isha Warkan;-

Leave a Reply