Guddiga Gurmadka Qaran Ee Qaraxii Zoppe Oo Shacabka Soomaaliyeed Fariin Udiray.

Muqdisho(FMN)-Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Zoobe oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddigaasi, ayaa ugu baaqay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay Musiibaddii KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka, ayaa sheegay in dadka musiibada ay soo gaartay ay u baahan yihiin gargaar aad u ballaaran, isagoo si gaar ah baaq ugu diray Dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ah  inay qeyb lixaad leh ay ka qaataan gurmadka.

Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha gurmadka ah, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan dadkii Caawinaada ka qeyb qaatay.

Isha Warkan:-Radio Muqidisho.

Leave a Reply