Guddiga Doorashooyinka ee Dalka Kenya oo Maanta Yeelanaya Kulan Deg-deg ah.

Nairobi-FMN-Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC aya maanta lagu wadaa inuu yeesho kulan uu uga arrinsanayo weerar maalmo ka hor lagu qaaday qaar ka mid ah sarakiisha doorashooyinka oo uu tababar u socday.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Mr. Wafula Chebukati ayaa horay uga dhawaajiyay inay suura gal tahay in la adeegsado dastuurka si dib loogu dhigo codeynta ku celiska ah ee dhici lahayd ismaamulada kala ah Kisumu, Homa Bay, Migori iyo Siaya oo laga deyrinayo.

Arrintan aya imaaneysa iyadoo Mr. Chebukati uu ka dhawaajiyay in hadii ay rabashado dalka ka dhacaan ay saameynta ugu weyn soo gaareyso kenyaan anan waxba galabsan.Mr.Chebukati ayaa weli hogaamiyaasha siyaasadeed ee dalka ugu baaqayo inay wada hadal yeshaan si loo dejiyo xasarada siyaasadeed ee uu dalka ku jiro.

Todobaadkii la soo dhafay ayay ahayd markii uusan qabsoomin kulan la doonayay inuu dhex maro sarakiisha gudiga doorashooyinka iyo murashaxiinta u loolamaya qabashada hogaanka dalka.

Xigasho=Star FM.

Leave a Reply