Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya oo Fuliyay Qaar kamid ah dalabyadii Mucaaradka NASA.

Nairobi(FMN)-Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay inuu fulinayo 20 ka mid shuruudihii uu u soo bandhigay urur weynaha mucaaradka Nasa ka hor inta anan la qaban doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah oo ay inaga xigto 9 maalmood oo keliya.

Hasa ahaate dalabyada mucaaradka oo uu gudigu ku gacan seyray in la fuliyo ayaa waxaa ka mid ah inuu xafiiska baneeyo madaxa fulinta Mr. Ezra Chiloba iyo 9 maamulayaal oo kale.Shalay ayay ahayd markii hogaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka Raila Odinga uu sheegay inuusan doorasho ka qeyb galeynin inta anan weli isbedel lagu sameynin gudiga IEBC.Gudiga IEBC ayaa sheegay in loo soo gudbiyay 34 shuruudo ah hasa ahaate sida uu mucaaradku doonayo anan shaqada laga ceyrin Karin sarakiisha kala ah Prof Cabdi Yacquub Guliye iyo Molu Boya .

Gudiga doorashooyinka ee dalka ayaa ka dhawaajiyay inuusan jirin sarkaal si toos ah loogu eedeyay in xiligii doorashada guud uu wax isdaba marin sameeyay halka maxkamada ugu sareysa ee dalka ay sheegtay inan la helin wax cadeyn ah oo muujinayo faragelin uu geystay sarkaal gaar ah.
Waxyaabaha uu mucaaradku dalbanayay oo loo fulinayo ayaa waxaa ka mid ah in koox ku taqasusay teknolojiyada loo furo keydka gudiga si loo eego hannankii natiijada lagu soo bandhigayay.

Sido kale waxaa mucaaradka loo ogolaaday in loo soo bandhigayo sawirada laga qaaday foomamka iyo natiijadii looga dhawaaqay degaanada kala duwan.
Jawaabaha uu gudigu bixiyay ayaa imaanaya ku dhawaad laba todobaad markii xubnaha mucaaradka Nasa ay isaga baxeen kulan ay la yeelanayeen gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee dalka Mr. Wafula Chebukati
Gudiga IEBC ayaa sido kale ka dhawajiyay inaan wax isbedel ah lagu sameyn doonin qandaraaskii teknolojiyada ee la siiyya shirkada laga leeyahay Faransiiska ee I OT Morpho iyo midka warqadaha codbixinta ay ku soo daabaceyso shirkada laga leeyahay magaalada Dubai ee isu taga imaradaadka carabta ee Al- Ghurair.

Waxyaabaha uu gudigu ka biya diiday ayaa ah inuu shaaciyo halka laga helayo keydadka ay macluumaadka ugu jiraan maadama sida qoraalka IEBC lagu xusay tasi ay saameyn ku yeelan karto howlaha doorashada ku celiska ah.
Gudiga IEBC ayaa sheegay inaysan suura gal ahayn in foomamka laga buuxiyo degaanada ee loo yaqaano 34B, ay dhamaantood lahadaan magacyada musharaxiinta iyo goobaha codbixinta maadama codeynta ay ka dhaceyso 40,883 oo xarumo ah.Sido kale mucaaradka Nasa ayaa dalbanayay in la shaqaleysiiyo sarakiil hor leh oo qaabilsanaan doono doorashada degaanada hasa ahaate dalbakaasi lama aqbalin.

Xigasho=STN

Leave a Reply