Golaha Iskaashiga Maamul-Goboleedyada Oo War Murtiyeed kasoo Saaray Xaalada Dalku Marayo.

October 21(FMN)-War-murtiyeed ay siwada jir ah usoo saareen Golaha Iskaashiga Dawlad-goboleedyada ,ayay kaga hadleen xaalada cakiran ee uu haatan kusuganyahay dalka soomaaliya,iyagoo sidoo kalena dhaleeceyn usoo jeediyay Xukummada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Golahan oo ah mid ay ku mideysanyihiin madaxda dawlad-goboleedyada Soomaaliya ee kala ah;Puntland,Jubbaland,Koonfur-Galbeed,Gal-mudug iyo Hir-shabeelle ayaa  dhawaan lagaga dhawaaqay shir ay Dawlad-goboleedyadu ku yesheen  Magaalada kismaayo ee xarunta u ah Maamulka Jubbaland.

 

Haddaba,qoddaba ku qoran war-murtiyeedka uu maanta  golahaasi soo saaray waxaa kamid ah  ;-

1. In ay Ka tacsiyeeyeen xasuuqii Mogadishu ka dhacay 14 October.

2. In ay Sheegeen in Musiibadii dhacday 14 October ilaa hada cid xil ku weysay iyo cid loo ciqaabay midna inaysan jirin. Taasoo micnaheedu yahay markii horeba cid masuuliyadaas umadda u haysay inaysan jirin!

3. In Xukuumadii dhaxe ee ay ahayd inay amniga ka shaqeyso inay ku mashquulsantahay siyaasad lagu kala geynayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

4. In Miisaaniyadii amniga iyo tii Dowlad Goboleedyada loogu talo galay in loo leexiyay duminta Dowlad Goboleedyada.

5. Waxay ku baaqeen inla qabto shir wadatashi si looga hortago in khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro uu dalka ka dhaco.

Si kastaba ha ahaatee,War-murtiyeedkan ayaa kusoo aadaya xilli xaalada ammaan ee dalka soomaaliya ay sii xummaanayso marba marka ka danbaysa,gaar ahaan magaalada caasamida ah ee Muqdisho oo uu dhawaan ka dhacay qarax aad loogu hoobtay oo ay ku dhimatay tiro ku dhaw 400 halka intaas kabadana ay ku dhaawacmeen,iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda si rasmi ah loogu cadeeyay in ay ka danbeeysay falkaasi bahalnimada ahaay.

Leave a Reply