Gimgemaagu;Kii hore haka gedisnaado

Asal ahaan gimgimaa waa eray afxabashi ah oo micnahiisu yahay un qiimeeyn,se dalka ittoobbiya guud ahaan gaar ahaana deegaanka soomaalida maqalka eraygaasi waxa ku lammaan dareen argagax leh maadaama inta badan loo adeegsado hab lagu kala aargoosto ama hadba qofkii ladoonayo in karkaarka la weydaariyo loo cuskado.Gimgimaagu laba waji ayuu leeyahay oo mid qiimeynta warbixinta waxqabadka ee xafiisyada dawlada midna waa qiimeynta shakhsi shakhsiga ah waana tan danbe mida inta badan lamarin habaabiyo.tan hore qofku waxa uu soo bandhigaa howlihii uu xafiiskiisu qabtay qorshe xiliyeedkii tegay kadibna guriga ayaa kadooda oo wax iska weydiiya ugu danbayntana cod baa loo qaadaa ansixinteeda ama meel iska dhigideeda.

Qiimeynta shakhsiga ahi iyada guddiga ayaa soo bandhiga qodobo gaar ah oo qof walba ladoonayo in lagu miisaamo heerka uu ka joogo wax kaqabasha dooda ama ku camal falkooda sida;Ilaalinta saacadaha shaqada,kadhowrsanaanta musuqa,sharci kushaqaynta,qabyaalada iyo kaqeybgalka howlaha nabadgalyada iyo horumarinta bulshada.Marka hore qofka ayaa fursad lasiiyaa oo loo ogolaadaa inuu isbaraxo oo waxii uu ku xunyahay iyo dhinacyada uu kuwanaagsanyahay afkiisa ka sheegto,kadibna korjoogtada ayaa ka faaloota,waana halkaa meesha ay sartu ka qudhanto oo haddii qofku yahay mid saaxiibo badan golaha kuleh ama la danaynayo inuu doonta sii saaraado waa loo qiilbixiyaa oo loo qurqurxiyaa sidaas ayuuna ku badbaa iyada oo laga yaabo inuu yahay shakhsigii ugu liitay ee ay ahayd in laga tallaabo qaado.Markase qofku aanu garab haysanin amaba hore loo sii go’aamiyay inuusan gudbin waa lagu shidaa(jaabeeyaa)oo eedeymo aan run iyo been toona lookala aabayeelin baa dusha laga saaraa ugu danbayntana jeebeeya(xidha)ayaa loogu jawaabaa,waxaana dhacda in qof ay bulshadu qadarin uhaysay ama waxqabadkiisu la dhacsanayd sidaa lagu dhaafiyo iyada oo dano shakhsoyadeed ama kooxeed un wax lagu qiimeynayo ee aan waxqabad la eegaynin waana taasi midda keentay in boqolaal aqoonyahan oo ay bulshadu ubaahnayd ay danbi la’aan xabsiyada buux dhaafiyaan bedelkoodana la keeno kuwo maamulka jira un udhego fudud oo aan bulshadu dheef ulahayn lana dhacsanayn waxtar kooda.

Haddaba;haddii ladoonayo in nidaam dawladeed oo caddaalad iyo cad-caddaan ku dhisan laga hergeliyo deegaanka soomaalida waa in wax laga bedelaa qaabkaas khaldan ee wax loo qiimeyn jiray qofkana lagu miisaamaa un waxii wanaag ah ee uu bulshada uqabtay iyo kartidiisa hoggaamineed iyadoo aanan la eegaynin xidhiidhka iyo xisaabaadka kala dhexeeya madaxda ka sareysa ama kooxda xukkunka haysata.Waa in aanan laga tegin caddaalada iyo alle ka cabsiga oo qofka waxa lagu eedeynayo ama lagu ammaanayo ay ahaadaan wax muuqda bulshaduna markhaati katahay.Waa in meesha laga saaraa shakhi nacaybka oo ah mid aan saxmi karin ee xoogga la saaraa shaqo xumada oo ah mid la sixi kato lana suulin karo.Waa in ay dadka meesha joogaahi si xor ah aragti dooda udhiibtaan oo isu dhaliilaan iyadoo aanan la eegaynin rabitaanka madaxda sare iyo waxa ay maaganyohoin toona.

Ugu danbayn;waxa aan aaminsan ahay in nidaamkii hore ay ku jiraan dad badan oo aqoon iyo waayo aragnimaba leh oo haddii awoodooda loo madax banaaneeyo aragti fiicana loo yeelo waxbadan ummadda utari karo lana intifaacsan karo.Sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in ay jiraan shakhsiyaad farabadan oo aan lahayn tayadii iyo aqoontii ay ahayd in ay meeshaas kuyimaadaan kuna joogaan balse dulsaarnimo iyo dano gaar ahaaneed bulshada loogu dulhaayay ayna tahay in haatan lala xisaabtamo oo ummadda laga horwareejiyo waxii ay qaribeena lagu qaado oo sharciga la horgeeyo si ay bulshadu udareento in isbedel dhab ahi yimid iyagana loo danaynayo oo loo adeegayo.

Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *