Doorashooyinkii Somaliland Oo Saaka Loo Dareeray.

Hargaysa(FMN)—Dadweynaha  reer Somaliland ayaa Saaka u dareeeray goobaha codbixinta si ay codkooda udhiibtaan iyaga oo dooranaya Musharaxa qabanaya xilka Madaxweynenimo ee Maamulkaas iyo ku xigeenkiisa.

Doorashadan ayaa ah tii lixaad ee qof iyo cod ah oo ay udareeraan shacab weynaha Ku dhaqan Somaliland. Waxaana lagu tilmaamay in ay tahay tii ugu heerka sareysay ee ka dhacda deegaanada Jamhuuriyadda lamagac baxday Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale.

Goobjoogayaal caalami ah oo ka kala socda;Midawga Yurub,Midawga Afrika,Jaamacada Carabta, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ku sugan goobaha kala duduwan ee codbixinta,iyaga oo sheeda kala socda nidaamka ay doorashadu udhacayso iyo heerka ay gaadhsiisantahay tayadeeda.

Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan soo saaray wareegto ay ku mamnuucayaan adeegsiga aalada Internetka inta ay Doorashadu socoto,iyadoo shirkada  Isgaadhsiintana ay dhaqan geliyeen amarkaas iyagoo xannibay dhammaan adeegyadii Internetka ee ay bixinayeen.

Sikastaba ha ahaatee,Doorashada maanta iyo habka ay udhacdo ayaa saameyn xooggan kuyeelan doonta aaayaha dadka ku dhaqan gobolada waqooyiga Soomaaliya oo in muddo ahba raadinayay aqoonsi caalami ah oo usuura galin kara in ay noqdaan dal madaxbanaan oo dunida kusoo biira.

 

Leave a Reply