Doodda Qurbajoogta Dulmi-diid iyo Dareenkayga.Maqaal

Waxa aan ka mid ahaay dadkii uhoreeyay ee ka dareen celiyay arinkii muranku ka seereeyay ee kusaabsanaa xil umagacaabidda qurbajoogta deegaanka Soomaali da ee sidata dhalashada dalalka shisheeye,aniga oo markaa ka duulayay laba qodob oo kala ahaay; Dareenka shacabka iyo sharciga dalku waxa uu qabo. Inkastoo kusimaha Madaxweynaha iyo akhyaar kale oo badanba ay isku dayeen in ay difaac ka galaan doodanada;haddana,kubbaddanadu ma seereeynin oo shabaqa ayay shab tidhi indhahooda oo shan ah waana midda keentay in laga noqdo dhaqangelinta arinkaasi. Dabcan cidina ma dafirsana xuquuqaha ay qurba joogtu leeyihiin iyo doorka ay bulshada kaga jiraan ama waxtarkooda ee kaliya waxaa la doonayaa in ay doorkooda sharciga ah ciyaaraan oo ayna dar dhaafin ama bad kale dhex galin.Halkan ka eeg qormadaydii hore https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10210287077607896&id=1669785146

Haddaba;waxa muuqata in akhyaar badan oo kamid ah ururka Dulmi-diid ay haatan doodaas dib usoo cusboonaysiiyeen,gaar ahaan arinka la xidhiidha xil kaqaadista Duqqa maamulka magaalada jigjiga oo ay sheegeen in uu yahay qofka kali ah ee muwaaqirka dawliga ah ugu jira ahna guddoomiyahooda sida uu caddeeyay saaxiibkeen Khadar Adan.Dulmi-diid waxyaabaha ay kudoodeen waxaa kamid ah qodob adan soo socda oo aan doona yo in aan mid mid isu dultaago:-

1.Mustafe waa laga mudnaay ee anaga ayaa kusharaf nay booska uu maanta joogo.

Waa arin macquul ah oo qofba qof baa kasiimudan waana gob caadadeed haddii ay iyagu garteen in ay saaxiibkood ay dhan uga soo wada jeedeen ridida maamulkii hore ee deegaanka ku sharfaan cadka ay soo dhacsadeen,waxase su’aashu tahay;Haddii aad Madaxweynenimo ka tanaasusheen adinka oo dadka iyo deegaanka udanaynaya maxaa diidaya in aad madaxa maamul-magaalana aad ka fuqdaan si maamulkan cusub ee aad dadka ugu manno sheega naysaan uu hore ugu socdo oo usaldhigto?Haddiise aad qolyihiinii mucaaradka wada ahaay durbaba is qabqabsataan;sow kuwii hore odhan maayaan,”Arka waxii ay annaga naguhayeen bay iyagu isku hayaane”?

2.Mustafe ayaa balanqaaday in Garaadku noqonayo duqa magaalada Jigjiga.

Ma xumma xaqna waa uu uleeyahay mas’uulku inuu wax balanqaado;haddiise ay dhacdo in ay wax kasoo noqdaan waxii uu balanqaaday waxa looga baahan yahay in uu keeno sabab cad oo ku kaliftay inuu balantii kabaxo,haddii uu keeni waayana gar baa loogu leeyahay inuu soo jid baxo,sida muuqatase waxa uu cuskaday waxii aad adinku aqbasheen oo ah;in qurbajoogto aanu wax xil ah deegaanka ka qaban karin xilligan la joogo. Markaa maxuu yahay farqiga udhaxeeyay ogolaan shiyihiinaa hore iyo diidmadiinan hadda ah?

3.Arinka la xidhiidha qaraarka qurbajoogta ka mamnuucaya qabashada xil dawladeed.

Inkastoo uu yahay mowduuc mug weyn oo muddan in si gaar ah looga hadlo haddana;waxa aan yara bidhaaminayaa laba qodob oo dadka qaraarkan kasoo horjeedaahi ay ku doodaan.Waa ta koowaade;dad badan baa qaba in qaraarku ku koobanyahay xafiisyo gaar ah sida difaaca,amniga iyo arimaha dibadada. Doodaasna waxa dabraysa howraarta udanbaysa qodobka 6aad farqadiisa 2aad ee sharcigaas oo odhanaysa,”And Other similar political establishments” Taas oo ah mid furan oo aan faah-faahsanayn laguna dabaqi karo dhammaanba hay’adaha dawliga ah. Dabcan suurta gal mahan in sharcigu taxo oo wada xuso dhammaanba xafiisyada dawlada.Midda labaad ee ah waa un heer federaal iyadu waa iska dheh oo wax xujja ah ma cuskana caqligana ma yeelayo in waxii heer federaal laga mamnuucay heer deegaan laga ogolaado,mana jiro sharci ka hor immaan kara shuruucda qaranka loo dejiyay.

Ugu danbayn;asxaabta reer Dulmi-diid waxa aan ugu baaqayaa in ay xaalada dejiyaan oo waxii ay tabana yaan si degan ugala doodaan maamulka cusub ee ay iyaguba sheegeen in ay taageersanyihiin,waxii sharciga iyo siyaasadda dalka iyo tan deegaankaba la xidhiidhana ay kala tashtaan dadka ku xeel dheer si aanay udhicin in lagu eedeeyo dad sharciga diidan oo xoog wax ku doonayo.Dabcan waxaa jira fursado badan oo ubannaan oo sharciguna ufasaxayaa ayna tahay in ay ka faa’iideystaan ummaddoodana uga faa”iideeyaan.

Waxaa Qoray:Cabdirisaaq Macalin Cilmi

Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

1 thought on “Doodda Qurbajoogta Dulmi-diid iyo Dareenkayga.Maqaal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *