Dood Kulul oo Loo Qabanayo Xisbiyada Ku Loolamaya Doorashada Madaxtinimo Ee Somaliland.

Hargaysa(FMN)-Waxa caawa dood kulul ay dhex maridoontaa  Madaxda Saeddexda Xisbi siyaasadeed ee ku loolalamaya doorashada madaxtinimo ee Jamhuuriyada iskeed isu Magacawday ee Somaliland.Doodan ayaa ka dhici doonta Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa,Waxaana si toos ah looga daawan doonaa dhammaanba Telefishinada Soomaalida.

Gudoomiyayaasha Xisbiyada;UCID,WADANI iyo KULMIYE,ee kala ah;Faysal Cali Waraabe,Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse biixi,aqoonyahano,Xubno kasocda Xisbiyadaas iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galaya Doodan oo ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Deegaankaasi ka dhacda.

Arimaha ugu muhiimsan ee doodan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah:-

  • Shaqo la’aanta ,
  • Sicir bararka ,
  • Biyo yaraanta,
  • Abaaraha soo noqonoqanaya ,
  • Dawladaha hoose ee shaqadoodu xanibantahay ,
  • Dawlad wanaagga & Dimuqraadiyadeynta,
  • Siyaasada dibadda iyo arrimaha bulshada iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Si kasta ha ahaatee,Soomaaliland oo ah maamul gooni isu taag ah oo ka goystay Soomaaliya inteeda kale ayaa hore ugu guulaystay qabashada doorashooyin madaxtinimo oo kuwan oo kale ah.

Halkan Ka daawo Doodii oo Dhamaystiran.

Leave a Reply