Dib-udhis Iyo Dayactir Xooggan oo Ka bilaawday Is-goyska Zoppe Ee uu Dhawaan Qaraxu ka Dhacay.

Muqdisho(FMN)-Ol-ole xooggan oo lagu dayactiro wadada laamiga ah iyo dhismayaasha ku hareeraysan ayaa  ka bilaawday is-goyska Zoppe ee Km5 oo ah goobtii uu dhawan ka dhacay qaraxii muqdisho ee qasaaraha ba’an gaystay.

Shirkadda Kulmiye General Service Limited   oo Kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada howlo ay ku dayactireyso   dhul cabbirkiisu dhanyahay 500 oo  mitir oo square ah oo kamid ah Wadadii  laamiga ahayd ee ku burburtay qaraxii weynaa ee dadka badan ku halaagsameen,hantida xoog lehna ku bas-beeshay.

Duqa Magaalada Muqdisho  Mudane;Thabit oo hadlay ayaa sheegay in ay muhiimtahay in la dhiso wadadaasi si ay u soo laabato isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Sidoo kale ganacsatada iyo mulkiilayaasha dhismayaashii  ku teedsan wadadaas ee ku bur-buray qaraxaasi ayaa iyaguna dhankooda ka bilaabay nadaafadaynta iyo dib udhiska guryahooda,si ay usoo celiyaan bilicdii iyo howlihii ganacsi ee halkaas ka jiray ka hor inta aanu qaraxu dhicin.Waxaana durbaba bilaawday tartan loogu jiro helitaanka boosaska ganacsiga ku habboon ee halkaasi ku yaala.

Ka dib saddex maalmood oo gurmad iyo baroor diiq qaran ah,Magaalada Muqdisho waxa ay haatan umuuqataa in ay noloshu caadi kusoo noqonayso,dadkuna ay howlahoodii hore dib ubilaabayaan.

Qaraxii 14kii bishan October ka dhacay is-goyska Zoppe ee magaalada muqdisho ayaa noqday ee ugu qasaaraha badnaay ee halkaas ka dhaca taariikhda  inta la xasuusto.

Leave a Reply