Sidee haatan wax looga bedeli karaa Dhaqanka Liyyuu Policeka .Q1aad.

Bishii april sanadkii 2007dii ayay ahayd markii carbiska loo bilaabay dufcaddii ugu horeysay ee ciidanka gaarka ah ee deegaanka soomaalida(Liyuu police), kadib Amar kasoo baxay xafiiska nabadgalyada ee deegaanka oo degmooyinka oodhan lagu faray in ay tuulooyinka ama qabaleeyada hoosyimaada kasoo aruuriyaan ugu yaraan 2 qof middiiba.Maadaama aan xog fiican laga haynin qorshaha ciidankaasi laga maagan yahay iyo waxa ay kudanbayni doonaan lana moodayay un in ay lamid noqon doonaan kuwii hore looyaqaanay ee caadiga ahaay;dad badan oo shaqo doon iska ahaay ayaa kubiiray ciidankii la qorayay oo ugu danbayn tababar loogu xareeyay xero ciidan oo kutaala agagaarka Jinacsi ee duleedka magaalada jigjiga.

Ciidankaasi markii uu tababarkii udhammaaday waxa loo kala saaray laba qeybood oo midkood laqaatay qeybtii kalena loo sheegay in ayna kasoo bixi karin howsha hortaala.Nin kamid raggii ladiiday waxa uu iisheegay in iyaga oo soddommeeyo ah oo ubadan rag da’ dhexe ah gaar loo saaray laguna wargeliyay in ay degmooyinkoodii ku laabtaan dawladuna halkaa uga warqabi doonto.Waxa iyaguna jiray xubno aan tabarka xaadirin oo isugu jiray qaar kugeeriyooday shil gaadhi kamid ah kuwii ciidanka galbinayay oo kadha cay inta udhaxaysa goday iyo hargeele iyo qaar shilkaa ku dhaawacmay oo degmooyinkoodii dib loogi celiyay.Intii la doortay ee dufcadaasi kamidka ahayd marka laga reebo kuwii lagu meeleeyay ilaalinta xafiisyada dawlada ee heer deegaan iyo heer gobol, intoodii kale xidhka ayaa dagaal loogu diray oo waxaa laga horgeeyay dagaalyahanadii Jabhada ONLF ee duurka kujiray iyaga oo amar lagu siiyay in ay soo cidhibtiraan waxa lagu yeedhay nabad diidka.

Inkasta oo ay madaxda deegaanku ku doodaan in ay iyagu ahaayeen maskaxdii kadanbaysay aas-aaska iidankaasi haddana;waxa aan ladafiri karin doorkii muuqday ee ay kulahayd dawlada federaalka ittoobbiya oo marka ladaalaadhacaysay dagaalkii ay kooxaha muqaawamadda kula jirtay gudaha soomaa liya,waxa ayna ka cagajiidaysay in milatarigeedu dagaal toos lagalo ONLF oo ayyaamahaas agagaarka cobale kulaaysay koox shidaal baadhayaal shiinees ah iyo ciidankii ilaalinayay.Dawlada federaalka waxa howsha aas-aaska ciidamadan uqaabilsanaa saraakiil tigree ubadan oo howlgeb kasoo noqday shaqada ciidanka qaranka kuwaas oo qaab lataliyayaal ahaan ah deegaanka soomaalida loogusoo dhaadhiciyay kana mushaar qaadanayay xafiiska nabadgalyada ee deegaanka iyaga ayaana qandaraas kuqaatay tababarka iyo qalabaynta ciidanka liyuu policeka awaamiirtoodana bixinayay sida uu waqtigaas iisheegay nin aan isnaqaanay oo kolkii hore taar haye ka ahaani jiray xarunta booliska deegaanka ee habaanaha markii danbena loosoo wareejiyay dhanka xafiiska nabadgalyada ee heer deegaan.Ninkaasu waxa uu iisheegay in saraakiisha howshan gacanta kuhaaysaahi ay yihiin niman musiibo ah oo dadkuna aanay waxbadan ka ogayn xittaa isaga oo taarhaye u ah ay sirtooda ka qarsadaan oo marka uu lajoogo ay afkooda(tigrinaaga)iskula walagsadaan isaga oo aad uga cabsi qabay in qudhiisa ay waxyeelo ugeystaan.

Haddaba;markii ay ciidamadaas ay duurka galeen oo bilaabeen howshii loo igmaday waxa ay iska caabin adag kala kulmeen dagaalyahanii ONLF ee howdka kujiray waxaana loobaahday in labadiyo tirada ciidama daasi taas oo keentay in si is deba joog ah loosoo qoro qeybo hor leh oo dagaalka ka qeybqaata. Kasokow xabbada kulul ee dhanka ONLF ta kaga immaanaysay ciidankaasi qaarkood waxa ay iisheegeen in ay iyaga dhexdooda nag iska dhigeen oo labadiiba iskudhac daba ay isla eeganayeen dagaalka uhoreeya ee la galo ayna dhabarka iska toogayeen taas oo keentay in lakala bed bedelo qaar badan oo qabweyni muujiyayna ay isla dawlada ka dhigtay wax ay birta ka asashay iyo in ay xabsiga ku iloowday.

Dagaalkaas iyo duruufahaas adag ee ay kujireen iyo amarada guracan ee uga immaanayay dhanka saraakiisha qandaraaskaasi qaatay oo iyaga askarta ka dhaadhiciyay in ay laayaan wax alle iyo waxii ay il kagaran waayaan waxa ay keentay in durbaba ciidamadu kusoo baxaan halaqyo aan cidna u aabayeelaynin.Saraakiisha ciidanka hagayay iyo mas’uuliyiintii xafiiska nabadgalyada oo dareemay culayska ciidankan saaran waxa ay ufekereen qaabkii ay ciidanka maskax ahaan ugala dagaali lahaayeen in ay wax dareemaan oo kala dareeraan waxa ayna bilaabeen buun buunin Iyo in ciidanka labaro waxkasta oo balwad ah oo ay ku iloobi karaan xanuunka haya.Waxa ciidamada loo sheegay in lixdii biloodba mar loo qabanayo shir qiimeyn ah oo qofkii qummaati wax usoo qariba lagu dlacsiinayo abaalmarin fiicana lagu siiyo.Shirarkaas oo kadhaci jiray magaalada jigjiga waxa barbar socday dhaantooyin iyo heeso maaweelo ah oo lagu muujinayo in ciidanku yihiin niman balo kadhacday oo wax walba indhaha ushidaya amnigana adkeeyay.Waxa kale oo laga dhaadhiciyay in maadaama ay iyagu dhiigooda hurayaan ay yihiin kuwa cidwalba kasareeya oo xittaa sharciguba aanu qabanayn waana midda keentay in ay gaadhaan heer ay meydka ku dul dhaanteeyaan waliba muuqaal iska duubaan iyaga oo aan dib ka cabsanayn.buun-buunintaas faraha badan wax ay keentay oo kale in ay wax walba iyaga islahaysiiyaan ilaa heer ay maamulada gobolada iyo degmooyinka xoog ooga qaataan baabuurta ay kusocdaan islamarkaana ka qaataan baad ubadan qaadka oo si bilaash ay uqaadanayaan maamulada degmooyinka iyo ganacsataduna ku qasbanaayeen in ay qarashka bixiyaan qiimahay dooniba ha ugu kacdee………..
Lasoco qeybaha danbe.

Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *