DFS oo Howl-galisay Lambarka Adeega Gur-madka Deg-dega ah.

Muqdisho(FMN)-Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay howl-galisay lambarka adeegga Gur-madka ama caawinaada deg-deg ah(Emergency Service Number),Kaas oo dadweynaha u ogolaanaya in ay soo  wici karaan markasta oo ay soo wajahdo xaalad amni daro oo kedis ah,si ay caawinaad ugu helaan hay’adaha Ammaanka ee ka howl-gala  magaalada muqdisho.

Wasiirka amniga ee Soomaaliya Mudane;Maxamed Abuukar Islaw ayaa qoraal uusoo dhigay bogga rasmiga ah ee uu kuleeyahay barta Facebook-ga kaga dhawaaqay hir-galinta adeegan Cusub waxa uuna dhigaalkiisa u qornaay Sidan:-

“Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha degdegga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan: WAC 991.”

Adeegan ayaa haddii sida saxda ah loo howl-galiyo wax badan ku soo siyaadin kara sugidda amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho,iyadoo dadweynuhuna si ay kalsooni ku dheehantahay xogtooda ula wadaagi kara laamaha ammaanka ee DFS.

Hore ayay Dawlada soomaaliya ugu dhawaaqay adeegga noocan ah,balse manoqonin mid shaqeeya oo laga faa’iideysta.Lamana hubo in kana oo sida kii kaloo kale noqon doono iyo in kale.

Leave a Reply