DEG-DEG:Uhuru Kenyata Oo Ku Guulaystay Doorashadii Ku Celiska Ahayd Iyo Rabshidihii Oo Sii Kordhay.

Nairobi(FMN)—Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo Xuduudaha ee dalka kenya ayaa sheegay in ilaa iyo hada codadka la tiriyay uu ku horeeyo  Madaxweynaha haatan talada haya Mr;Uhuru Kenyata oo  helay codad dhan 2,607,562 oo udhiganta 94.26%.Taas oo kadhigan inuu si aqlabiyad leh ugu guulaystay Doorashadaasi.

Halka Hogamiyaha Xisbiga Mucaradka ah ee NASA Mr;Raila Odinga oo dhawaan shaaciyay inuu isaga baxay loolanka doorashada madaxnimo ee dalka,balse magaciisa uu wali ku daabacanyahay waraaqaha  cod-bixinta uu helay  29,255 cod oo udhiganta  1.06%.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee IEBC Mr;Wafula Chebukat ayaa horey usheegay in 6.5 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen,kana qeyb-qaataan doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday qeybo badan oo dalkaasi katirsan.

Laba bilood ka hor ayay ahayd markii ay maxkamada sare ee dalka kenya ay huf iyo halla kama jiraan(Null & Void)kasoo qaaday doorashadii Madaxtinimo ee uu ku guulaystay hoggaamiyaha Xisbiga Talada haya ee Jubilee Mudane;Uhuru Kenyata,Islamar ahaantaana ay amar ku bixisay in muddo lixdan cisho ah gudaheed lagu soo qabto doorasho cusub oo ku celis ah.

Si kastaba ha ahaatee,wali lama saadaalin karo waxa uu xaalku ku danbayn doono iyo sida ay Kooxaha mucaaradka ah iyo taageerayaasha ooga fal celin doonaan guushan uu markii labaad Uhuru Kenyata ka soo hooyay Doorashadan,iyadoo ay wali qeybo badan oo dalka kamid ahi ka socdaan bannaan baxyadihii rabshadaha watay,waxaana ilaa iyo saaka lasoo sheegayaa dhimashada laba ruux oo ku dhintay iska hor-imaad dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha..

Leave a Reply