Deg-Deg ah:Taliyayaashii Ciidanka Booliska Iyo Nabad-Sugidda Soomaaliya Oo Xilalkii Laga Qaaday.

Muqdisho(FMN)—Kulan Deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha wasiirada ee XFS uuna shir guddoominayay Ra’isul-wasaare kuxigeenka Mudane;Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa Xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay taliyayaashii Ciidanka Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliya;Sanbaloolshe iyo Gen;Saacid.

Wasiirka Amniga gudaha Ee XFS oo soo jeedinta lahaay ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiintaasi in ay ku fashilmeen xilkii loo igmaday ayna tahay in ay Xukumadu ka qaado Tallaabada ku habboon.

Dood dheer iyo Falanqeyn kadib ayaa la sheegay in;Golaha Wasiiradu ay isku raaceen hirgelinta Soo jeedintaas waxaana halkaasi xilalkoodii ku waayay labadaasi taliye.

wali lama Shaacinin cidda booskooddii lagu bedelay.Haddaba,Waxii kasoo kordha arinta Dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii Allaha awoodda lihi ogolaado.

Leave a Reply