Dawlada Qatar oo Diyaarad Sida Gar-gaar Caafimaad Usoo Dirtay Soomaaliya.

Doha(FMN)-Dawlada boqortooyada Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay deeq caafimaad oo loogu talo galay wax uqabashada dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14ka October ka dhcay magaalada muqdisho ee dadka badan ku halaagsameen.War qoraal ah uu soo saaray safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Qatar Dr;Cumar idriis ayuu ku faah-faahiyay arintan.Qoraalka Safiirka yaana Sidan udhignaay:-

Waxaan saaka 7:30 aroornimo ku sagootinay eeraboorka militariga ee caanka ah (Al-Cudeyd) diyaaradaha militariga Qatar ee xamuulka waaweyn mid ka mid ah, nooca loo yaqaano C17 waxayna Xamar ka degi doontaa 12ka duhurnimo maanta, taasoo sidday 2 tan dawooyin ah, 36 sariirood oo dusheeda ku rakiban oo loogu tala galay in lagu daad gureeyo dhaawaca ay xaaladahoodu darantahay isbitaallo ku yaallo dalka Sudaan si halkaas loogu daweeyo, kharashka ku baxaya oo dhanna dowladda Qatar ayaa bixinayso. Waxaa kaloo la socda 30 qof oo isigu jira, shaqaale caafimaad, badbaadinta degdegga ah, iyo hagayaasha diraadda. Berritona Khartoum ayey ka soo duuli doontaa oo ay Muqdisho ka qaadi doontaa 36 qof oo kale.”

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali lagu guda jiraa gurmadka iyo latacaalida musiibadii ka dhalatay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoppe ee magaalada muqdisho,waxaana gurmadkan ka qeyb qaadanaya dhammaan shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Leave a Reply