Damaca Oromadu Maxuu Daaranyahay?Maqaal-Q.1aad.

ARAR:-Waa maqaalo taxane ah oo haddii Eebbe idmo aan kuqaada dhigi doono guud ahaan siyaasada waqti xaadirkan ka aloosan wadanka geeska afrika ku yaala ee Itoobiya.Sigaar ah waxa aan ugu eegi doonaa marxaladihii udanbeeyay iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday qaar kamid ah dawlad deegaanada uu dalkaasi ka koobanyahay.

AFEEF:-Qormooyinkani ma ahan kuwa ay kadanbeyso ujeedo gaar ah iyo dano siyaasadeed oo cid gaar ah ku wajahan toona,kaliya waa daraaseyn iyo diiwaan galin lagu sameynayo xaaladaha dhaqan-dhaqaale siyaasadeed ee waqti xaadirkan ka jira inta badan deegaanada ay ka koobantahay Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Itoobiya.Sidaasi aawadeed waxa aan ka codsanayaa IN Loo qaato oo kali ah ujeedada uu qoraaga kaleeyahay ee aanay cidina iyadu ufasiranin si ugaar ah,Waxa aan sidoo kale baraarujinayaa in waxii talo iyo toosin ah ee wax taray laga soodhiibto waana soo dhaweynayaa.

Haddaba,aan uguda galo qoraalkaygee,Qeybtan hore oo ubadan horudhac waxa aan ku eegayaa siyaasada dalka waxii ka danbeeyay markii la dhaqan geliyay nidaamka federalismka ah.Waxa aan si cilmiyeysan oo  isu dheelitiran tooshka ugu ifin doonaa inta badan dhacdooyinka siyaasadeed ee waqti xaadirkan ka taagan dalka itoobiya,aniga oo falanqeyni doonaa sababaha keenay qul-qulatooyinkaas,sidoo kalena soo bandhigi doona xalka ugu haboon ee lagaga siraad kori karo xiisadahan siyaasadeed ee saamayntoodu muuqato.

Itoobiyada Cusub:-

Dalka itoobiya oo ay kunoolyihiin dadweyne kor udhaafaya boqol milyan oo qof waxa 20kii sano ee udanbeeyay lagag dhaqmayay nidaam federalism ah oo qowmiyado kuslaysan(Ethnic based federalism).Nidaamkan ayaa dhaqan galay kadib markii 1991 talada laga faramaroojiyay xukunkii kali taliska ahaay ee Mengistu Hailemariam horjoogaha ka ahaay.Waxaa talada la wareegay xisbiga EPRDF(Ethiopian People’s Revolutionary Front) oo ka kooban afar xisbi  siyaasaadeed oo isu tagay.

Maadama  cadaadis badan iyo culays siyaasadeed ay tabanayeen dhammaanba qowmiyadihii mudada dheer kusoo hoos jiray xukumadihii iyo boortooyoyinkii macangaga ahaay ee qarniyada badan dadka dalkaasi kusoo amar taagleeyayay;waxaa loowada hanweynaay nidaam dimuqraadiyeed oo lagaga nasto nabaradii xanuunka badnaa ee lasoo maray.

Feker iyo falanqeyn dheet ka dib Waxa ay qowmiyaduhu ku heshiiyeen in dhidibada loo taago nidaam federalism ah oo qolo walba xaq usiinaya in ay iyagu sigaar ah isumaamulaan ,adeegsadaan afkooda hooyo islamarkaana ugu danbeynta awood uyeeshaan in ay aayahooda ka tashtaan haddii ay u arkaan in ayna kasii mid ahaani karin maamulka guud eewadanka ka riminaya,Sida uu qorayo qodobka 39aad ee Dastuurka JDFI.Durbaba waxaa la gudagalay dhaqan gelinta nidaamkaasi iyada oo dalka laga askumay 9 dowlad deegaameed oo kala ah:-

Kadib  maxaa dhacay?

Tan iyo markii sanadkii 2005ta oo doorashadii dalkaasi ka dhacday ay hareeyeen qalalaaso iyo dibad baxyo rabshado wadata oo ay dadku kaga cabanayaan natiijada kasoo baxday iyo qaabka doorashada loo qabtay,waxaa marba marka kasii danbeysa sare usii kacayay ku qanacsanaan la’aanta iyo cabashooyinka ay kooxaha mcaaradka ahi ka muujinayaan qaabka uu xisbiga talada haya ee EPRDF dalka uhagayo.Banaanbaxyadaai waxa ay sababeen in dawladu gacan bir ah ku qabato mucaaradka,dhaq-dhaqaaqyadooda rabshadaha watana la xakameeyo.

Dibadbaxyadaasi siyaaasadeed,waxaa hareer socday gadood ay muujinayeen qaar kamid ah muslimiinta dalkaas oo ka cabanayay in dawladu ay diinta ku hayso fara galin.Magaalooyinka waaweyn oo y ku jirto caasimada addisabeba ayaana laga dhigay dibadbaxyo nabadeed oo dawlada lagaga ashtakoonayo. Muslimiintu waxaa kale oo ay tabanayeen in dawladu dalka ku faafinayso koox loogu yeedho al-axbaash oo lagu xanto in ay xambaarsanyihiin fekerka Shiicda, islamarkaana ay maalgelinayso dawlada iiraan.

Waxaa dacwado lagusoo oogay in badan oo kamid ah wadaadii hoggaaminayay kacdoonkaas,sidoo kale madaaris iyo hay’ado dhowr ah oo lagu edeeyay in ay kacdoon wadayaasha iyo ururo argagaxiso ahi gacan saar la leeyihiin ayaa iyaguna  albaabada  la isugu dhuftay.Waxaa la meel mariyay sharciga la dagaalanka argagaxisada oo ay dadka qaarkii ku fasireen in loogu talo galay xakamaynta mucaaradka.

Geeridii Ra’isulwasaare;Meles Zenawi:-

Meles zenaawi,oo ahaay hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa  xukunka itoobiyada cusub ayaa si kedis ugeeriyooday sanadkii 2012 waxaana halkaasi ka imaaday mugdi iyo su’aalo hareeyay cidda bedelaysa iyo siyaasada dalka lagu hogaamin doono.Dadaal  dheer kadib xisbiga talada hayaahi waxa uu kuguulaystay inuu doorto qofkii bedeli lahaay ra’iisul wazaaraha geeriyooday,waxaana la isku raacay inuu noqdo kuxogeenkiisii oo markaas ahaay wasiirka arimaha dibada ee dalka mudane; Hailemariem Deselgn.

Hailamariam waxa uu kasoo jeedaa Deegaanka qowmiyada shucuubta koonfureed,waana nin qun yar socod ah oo ka tirsan garabka rayidka ah ee xisbiga EPRDF. Doorashada Hailemariam waxa ay horseeday hunguri galay qaar kamid ah qowmiyadaha dalkaas ee aan ahayn qowmiyada tigreega ee muddada dheer soo hayay xilka Ra’isulwasaarenimada ee dalka ugu muhiimsan.Waxa ayna is tuseen marba haddii uu geeriyooday Meles Zenawi in ay iyagu ugu xaqleeyihiin in ay booskiisii galaan,intii nin kasoo jeedo qowmiyad yar uu talada dalka qaban lahaay. Waxaana bilaawday kacdoono ay kamid yihiin;

1.Kacdoonkii Amxaarada:-

Amxaarada oo ah qowmiyada labaad ee tiro ahaann ugu badan shacabka dalkaasi ku nool,aaminsana in ay yihiin cidda ugu habboon in ay dalkaasi hoggaamiso muddo dheerna afduub kuhaystay xukunka dalka,afkooda(Xabashiga)na uu yahay afka rasmiga ah ee dalka lagaga shaqeeyo ayaa ia tusay in markan la joogo xilliggii ay lasoo noqon lahaayeen awooddii maamul ee ay lahaan jireen.Waxa ay bilaabeen kacdoon gudaha iyo dibadaba ah oo ay kaga hortagayaan dawlada iyo nidaamka federaalka ah.

Kacdoonkaas ayaa ku bilaawday ardayda iyo aqoonyahanada jaamacada dhiga oo bilaabay mucaarad nabadeed,waxaa sidoo kale samaysmay xisbiyo siyaasadeed oo mayal adag,aaminsan fikirka midnimada ama dawlad dhexe oo adag(strong central Government),Xisbiyadaas oo ay kamid ahaayeen Xisbigii Qinijit le andhinet(Coalition for Unity and Democracy).

Xisbigan ayaa ahaay kii 2005tii ku guulaystay in badan oo kamid ah kuraasta baarlamaanka ee magaalada addisabeba,balse markii danbe faarujiyay baarlamaanka natiijadii doorashadana qaadacay.Waxaa isla xisbigaan kasii farcamay qolyo kasii macangagsan oo qaarkoodna ay hubka qaateen sida kooxda ginbot 7 looyaqaano.Laakiin kacdoonka amxaarada ma noqonin mid wax weyn soo kordhiya.

Ugu danbayntiina dib ugurasho ayay sameeyeen mar haddii ay ucadaatay in ayna iyaga kaligood wax bedeli karin,mucaaradka kalena ayna isku mowqif ka ahayn arimaha ugu muhiimsan ee la doonayo in isbedel lagu sameeyo oo ay ugu horeyso cidda qabanaysa hogganka wadanka ugu sareeya iyo nooca dawladnimo ee laqaadanayo.

Kacdoonka Oromada;-

Sidoo kale waxaa kamid ahaay qowmiyada isu arkay in ay xuquuq badan kamaqantahay Oromada oo ah qowmiyada koowaad ee dad ahaan iyo deegaan ahaanba dalkaasi ugu balaadhan.Kacdoonka oromada ayaa aad usii xoogaystay kadib markii uusoo baxay qorshe ay dawladu ku donaysay in lagu balaadhiyo magaalada caasimada ee addis abeba iyadoo dhul baladhan lasiinayo hay’ado iyo shakhsiyaad maal geliyayaal ah.Qorshahaas ayaa oromada ucuntami waayay waxa ayna u arkeen mid iyaga ku wajahan oo la doonayo in dhulkooda lagaga faramaroojiyo.

Mucaaradka oromada iyaga oo kaashanaya shacabka intiisa taageersan iyo xubno dawlada kamid ah ku feker ah ayaa ugu danbayntii ku guulaystay in ay qorshahaasi cagta uqabtaan o ay dawlada kuqasbaan in ay ka noqoto.Balse,talaabada ay dawladu ku aqbashay dalabka mucaardka oromada ee ay qorshahaasi dib ugu dhigtay ma noqonin mid xaliyo dhiibkii jiray balse waxaa la odhan karaa waa uu ugasii daray oo oromadu waxa ay is dareensiiyeen in ay waxbadan bedeli karaaan.dalabyo hor leh ayayna la yimaadeen.

Waxaa guud ahaan ka curtay deegaanada oromada ol-ole lagu horjoogsanayo howlaha dawlada iyo hay’aha dawladaba.waxa ay bilaabeen in ay deegaanadooda kasoo barakicyaan shacabkii iyo ganacsatadii udhalatay qowmiyadaha kale gaar ahaan Tigreegii ku nolaa dhulka oromada.Waxa ay bilabeen kacdoon wadayaasha oromadu in ay guabaan xarumaha shirkadaha maal gelinta kawada deegaanadooda.Talaabadaas oo ugu danbayntii sababtay in ay dawladu ku dhawaaqdo xukun deg deg oo dalka lagaliyay muddo 9 billood ah.

Mudadii uu xukunkaasi socday dawladu waxa ay ku dadaashay in ay samayso isbadalo sal iyo baadh ah waxaana bilaawday qorshe loogu magac daray(Qiimeynta qotada dheer).Qorshaha ayaa ahaay mid laba ujeedo leh oo mar ay xukumadu ku doonayso in ay mawaaqirka dawliga ah kaga saarto xubnaha la dhacsan fekeka kooxaha mucaaradka ah,halka ujeedada kalena ay ahayd in la dhiso maamulo shacabka matali kara oo qancin kara.inkasta oo ay wax badan qabsoomeen oo ay caadi kusoo noqotay xaaldada wadanka haddana,markii la qaaday xukunkii deg-dega ahaay oromadu halkeedii ayay kasii waday kacdoonkeedii asaga oo waliba dardar hor leh wata.

Oromadu maxay doonaysaa?

Run ahaantii way adagtahay in si dhab ah loo sheego waxa oromadu damacsantahay,maadaama dadka kacdoonka wada ee dal iyo dibadba joogaahi ay yihiin kuwa aragtiyo iyo dano kala duduwan leh,Hayeeshee, waxaa la isku raacsanyahay in ay ay qoddobadani soo socda yihin kuwa gundhiga u ah hammiga oromada;

  • Hoggaanka sare eedalka oo ay qabtaan
  • Afkoda oo noqda kan rasmiga ah ee dalka oo dhan lagagag dhaqmo.
  • Magaalda caasimada ah ee addisabeba oo magaca laga bedalo iyagan maamulkeeda si buuxa loogu wareejiyo oo kililkooda la hoos geeyo halka ay haatan katahay magaalo ay dawlada dhexe xukunto.
  • Dhaqaalaha iyo mashaariicaha ugu badan ee dalka oo dhankooda soo maro.
  • In ay dawlada joojiso dhulka kuyaalo deegaanada Oromada ee lasiinayo ama laga kireeynayo ganacsatada shisheeye iyo kuwa qowmiyadaha kale udhashay.
  • In si bilaa shuruud ah loosoo  daayo dhammaanba maxaabiista siyaasadeed ee udhashay qowmiyada Oromada.IQk.

Lasoco Qeybaha danbe ee qormooyinka taxanaha ah…………

W/D:- Cabdirisaaq Macalin Cilmi. Tifaftiraha Guud ee Shabakada Warbaahinta ee Feer-feer.com

 

Leave a Reply