Dalka Zimbabwe Oo Maanta Yeelanaya Madaxweynihii Saddexaad Tan iyo Markii Uu Xorrriyada Qaatay.

Harare(FMN)—Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Zimbabwe Mudane;Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa maalinta loo dhaarinayaa xilka Madaxweynenimo ee dalkaas,kadib markii uu dhawaan iscasilay 93 jirkii mudada 37 sano ah soo xukumayaayay wadankan ku yaala Afrikada Koonfureed.Waa Madaxweynihii Saddexaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii uu Siddeetameeyadii Xornimada qaatay.

Emmerson Mnangagwa oo ah halgamaa ay in badan soo wadashaqeeyeen hoggaamiyaha iscasilay ayaa dalka ka cararay kadib markii ay isqabteen asaga iyo Madaxweyne Mugaabi,khilaafkaas oo dhaliyay in xilka laga qaado madaxweyne kuxigeenkaasi hore,Talaabadaas ayaana ka careysiisay Milatariga Dalkaas oo ugu danbayn soo farageliyay siyaasada dalka iyaga oo ku qasbay Madaxweyne Mugaabi inuu xilka iskaga dego.

Madaxweynaha Cusub ayaa dhashay 15kii Sebteembar sanadkii 1946,waxuuna dalkaasi ka sooo qabtay xilal kala duduwan,intii udhaxeeysay 1980 ilaa iyo 2017 oo xilkii madaxweyne kuxigeenimo laga eryay.Waxuu kamid ahaay xornimo doonkii dalkaasi usoo halgamay isaga oo dhowr jeerna xabsiga la dhigay.

Sikastaba ha ahaatee,wali si dhab ah uma cadda waxa uusoo kordhin karno madaxweynaha cusub ee maanta la caleemo saarayo Mudane;Emmerson Mnangagwa oo muddo dheer kasoo tirsanaa Xisbiga ZANU-PF iyo taliskii Mugaabi ee dhibaatooyinka badan laga tebanayay.Balse dad badan ayaa rajo kaqaba inuu is bedel weyn oo dadka dalkaasi wax utara la immaani doono.

 

Leave a Reply