Dalalka Turkiga, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Qatar oo Gar-gaar Caafimaad ufidinaya Dadkii ku Waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho.

Muqdisho(FMN)-Dalalka Turkiga, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay in ay gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah u fidinayaan dadkii ku hoobtay qarxii weynaa ee jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay agagaarka is-goyska Zoppe ee magaalada Muqdisho.Wadamadani ayaa la filayaa in ay dalalkooda uqaadaan qaar ka mid dhaawacyada yaala cusbitaalada magaalada muqdisho ee xaaladoodu caafimad aadka uliidato,islamarkaana aan dalka gudihiisa wax looga qaban karin.

War qoraal ah oo wasiirka arimaha debada ee Soomaaliya Mudane;Yusuf Garaad Axmed Cumar uu soo dhigay barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayuu arintaasi ku faah-faahiyay,isaga oo sidoo kalena xusay in ay jiraan Ururo iyo hay’ado kale oo gacan ka geysanaya la tacaalida xaladaha caafimaad iyo nololeed ee  dhibaynayaasha qaraxaasi.Qoraalka wasiirka Yuusuf Garaad ayaana sida udhignaay;

“Waxaan u mahadcelinayaa dalalka Turkiga, Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Qatar oo ballanqaaday gargaar caafimaad oo ku wajahan Soomaalida ku dhaawacantay weerarkii cadawtinnimada ahaa shalay lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed.Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Dowladaha iyo ururrada caalamiga ah ee tacsida u soo diray shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed una muujiyay taageerada.”

Wali waxaa si xowli ah u socda gurmadka lala gaarayo dadkii ay dhibaatada ba’ani kasoo gaadhay musiibadii qaran ee ka dhacday magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya,taas oo khasaaraha ka dhashayna uu yahay mid marba marka ka danbaysa sare usii kacaya.

Leave a Reply