Cumar Cabdicasiis:Hogaamiye Dhab Ahaa oo Xukunkiisii Lagu Diirsaday-Maqaal.

In aad ummad madax u noqotaa waa fursad aan fursad loo dhigaa jirin taariikhda. Waad ku gumowdaa ama ku gobowdaa. Casrigaaga wax aad umaddaada uga dhigi kartaa kii ay guulaysatay ee aad u shidday ilayska ay weligeed ifsan doonto, adiguna taallo mutaysan karto.

Taa beddelkeeda wax ay noqon kartaa fursad adiga iyo dadkaagaba idinku noqota nacdal dunida idinka reebta ama taariikhdaba idinka saarta. Muhiim ma aha adiga hortaa xaaladda bulsheed ee umaddaadu ku sugnayd, waayo taariikhda wanaagsan meel kasta iyo goor walba waa la hinjin karaa.\
Sannadkii 99 Hijriga iyada oo dawladdii Islaamka ay reer Banii Umaya ku falaadeen oo ka dhigeen qabyaalad, caddaalad darro, xilalkii iyo hantidii ummadda oo reerkaasi wada boobay, muslinkana ciddii waxaa ka hor timidba la gawracay, ayuu si lamafilaan ah madaxnimada u gu soo baxay nin yaab lahaa oo wax walba xagga kale ka rogay. Cumar Cabdicasiis.

Cumar Cabdicasiis waxaa hooyadii awow run u ahaa Cumar bin Khaddaab, wax uuna la koray carruur badan qoyskaa ka soo jeedda. Sidaa darteed shaki la’aan awowgii baa u ahaa tusaale uu ku daydo. Dhanka kale wax uu ka dhashay qoyskii reer Marwaan ee markaa boqortooyada lahaa, laakiin dhaxaltooyada qof ahaan isagu wuu ka fogaa, qaddarka ayaa se ka adeegay.

Sannadkii 86 Hijriga isaga oo 25 jir ah ayuu gobolweynaha Xijaas ee Madiina caasimadda u tahay guddoomiye u ga noqday khaliifkii berigaa ee Waliid Cabdimalik. Muddadii uu xilkaa hayay oo ku sinnaa ilaa sannadkii 93 Hijriga, masuuliyaddiisa iyo maamulkiisu cid walba wax ay u noqdeen tusaale wanaagsan, sumcad aad weyn buuna yeeshay.

Sannadkii 99 Suleemaan Cabdimalik oo khaliifka ahaa intii aanu geeriyoon madaxnimada wax uu u dardaarmay Cumar Cabdicasiis oo wasiir iyo lataliye u ahaa, isla markaana walaashii qabay. Dhacdadaasi wax cusub bay ahayd waayo caado ma ahayn in xukunka la dhaxalsiiyo cid aan dhaxal u lahayn. Suleemaan halkaa wax uu muujiyay xilkasnimo iyo lexjeclo ka haysa danta dawladda iyo khayrka umadda, waayo nimanka Cumar xukunka ka xigay oo dhami wax ay ahaayeen dadka aynnu sheegnay ee ku jiray qabyaaladda, dulmiga, boobka iyo faasiqnimada, halka Cumar ku caan ahaa intaas oo dhaqan xumo beddelkooda.

Cumar isla daqiiqaddii uu talada qabtay wax uu birta ku la dhex dhacay budhcaddii dawladeed ee tolkii reer Umaya, iyo weliba gaar ahaan qoyskiisa reer Marwaaan. Wax alla waxii ay xoolo ummadeed qaataan ayuu ka wada caydheeyay, cid wal oo ay dulmiyeen wuu u ga hiiliyay oo u ga celiyay, xilalkii goballada iyo dawladda ayuu ka wada xayuubiyay, wax uuna ku sandulleeyay in ay bulshada ka mid noqdaan. Qof wal oo iyaga ka mid ah wax uu u oggolaaday oo keliya waxii uu maal xalaal ku tacbaday iyo xilka uu u qalmo.

Waxuu dajiyay hannaan dabagal, isla xisaabtan iyo ilaalinta hantida dawladda, wax uuna xarrimay hal Dirham in la xadi karo ama la gu bixin karo wax aan danta guud ahayn. Kharashka dawladda waxaa la geliyay oo keliya meesha baahidu ka jirto, daryeelka danyarta, shaqaalaynta culimada iyo faafinta aqoonta, dhismaha ciidammada iyo xoojinta caddaaladda. Haa, u gu horreyn xoojinta caddaaladda. Wax uu jisyadii cuslaysay ka dul qaaday dadka aan muslinka ahayn ee dhulka Islaamka ku nool. Qofka uu xil dawladeed u dhiibayo wax uu mariyay baadhis iyo imtixaan adag oo ku saabsan qofkaa ammaanidiisa, xilkasnimadiisa iyo kartidiisa. Wax uu amray in dadka cilmiga leh meel walba la ga raadiyo oo la ururiyo dabadeed lacagta dawladda la gu shaqaaleeyo si ay dadka wax u baraan. Afrika oo qudha wax uu u soo diray toban caalim oo waaweyn.

Cumar inta uu xilka hayay ee waxaas oo karti iyo guul ah qabtay wax ay ahayd laba sannadood iyo shan bilood oo keliya. Dabadeed sannadkii 101 ayuu ka dhintay duni qurux badan, bulsho ay barwaaqada iyo caddaaladdu maashaysay, khasnad dawladeed oo lacagtu ceegaagto oo cid waliba xaqeedii ka haqab beeshay, dal horumarsan oo ololaha bar ama baro loo wada jeestay, iyo daalimiintii uu umadda ka qabtay oo edeb yeeshay laakiin ciil la wada qamuunyaysan.

Maanta kolka taariikhda dawladihii Islaamka, gaar ahaan qarnigii reer Umaya la milicsado, judhaba indhuhu wax ay qabanayaan iftiinka weyn ee ka soo baxaya ninkaa iyo xilligiisii. Markaas buu qof waliba ku qasbanaadaa in uu weyneeyo oo maamuuso. Sababtaas bay madaxnimadu u tahay fursad la helo oo la gu gumoobo ama la gu goboobo. Ka la doorashadana dabcan qofka ay khusayso ayaa leh mar walba.

W/Q:Ibraahin Yuusuf(Hawd).

Leave a Reply