Codbixinta Doorashada Soomaaliland oo Si Habsami leh Ugu Socota Dhammaan Goob-doorashooyinka.

Somaliland(FMN)—Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay inta badan goobaha codbixinta doorashada madaxtinimada ee Somaliland maanta ka socota ayaa xaqiijinaya in ilaa iyo haatan ay howlaha doorashadu usocdaan si nidaamsan oo aan wax carqalad ah lahayn,islamarkaana ay dadweynuhu safaf dhaadheer ugu jiraan sidii ay codkooda usiin lahaay musharaxa ay isleeyihiin waa idiin dan.

Goobaha qaar ayaa lagasoo sheegayaa waxoogaay gaabis dhanka farsamada gacanta ah iyadoo howl-wadeenada goobahaasi lagu eedeynayo gacan culays sababaya in dadku ay saacado badan safafka ku jiraan,taas oo dib udhigi karta waqtigii loo qorsheeyay in ay doorashadu kusoo gabagabowdo.

Sidoo kale waxaa iyana la arkayay dhowr qof oo magacooda laga waayay liiska goobtii ay ahayd in ay ka codbixiyaan,arintaas oo loo gudbiyay howl-wadeenada  guddiga doorashooyinka lana filayo in ay xal usameeyaan.Wali masoo yeedhin wax qeylo dhaan ah oo ku aadan wax isdaba marin ama khaladaad kale oo dheeraad ah.

Ugu danbayn,doorashada ayaa umuuqata mid tayadeedu aad usareyso oo ku socota nidaamkii loogu talo galay in ay udhacdo,amaanka ayaa isna si aad ah loo adkeeyay guud ahaanba deegaanada hoos yimaada maamulka lamagac baxay Somaliland.

Leave a Reply