Ciidamada AMISOM oo Weerar Gaadmo ah Lagula Eegtay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho(FMN)-Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Carbiska iyo 5-ta Golaha Sare ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka dhacay Weerar waqti kooban socday.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Ciidanka AMISOM oo halkaasi howlo roondo ah ka waday, xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen.

Ciidanka AMISOM ayaa iska cabiyay raggii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal kooban oo daqiiqado socday,Ciidanka AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa Subax walba waxa ay sameeyaan howlo roondo ah, dagaalka kadibna waxay la soo baxeen Gaadiidkooda dagaalka, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.

Weerakan ayaa khasaare wuxuu ka soo gaaray dad shacab ah, inta la xaqiijiyay Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay weerarkasi inuu dhacay sidoo kalena hada lagu daba jiro raggii weerarka soo qaaday.

Xigasho:-

Leave a Reply