Cabdirashiid Ibraahin Dhaqane oo loo Magacaabay guddoomiyaha Degmada Feer-feer.

Godey(FMN)—Guddigii uxilsaarnaa dhismaha maamulada degmooyinka gobolka shabeelle ee dhawaanahanba kusugnaa magaalada godey ee xarunta gobolkaasi;ayaa ku guulaystay in ay ku dhawaaqaan magaacbista guddoo miyaha cusub ee maamulka magaalada feer-feer,kadib loolan adag oo dhexmaray xubna badan oo ku tartamayay hanashada xilkaas.

Cabdirashiid Ibraahin Dhaqane Dool oo kamid ah dhalinyarada degmadaas udhalatay ee wax kubartay dalka gudihiisa in badana kana soo shaqeeyay mashruucii Wash programme iyo midka Horumarinta reer guuraaga ee looyaqaano PCDP-da ayaa loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha degmadaasi halka ku xogeenkiisana loo magacaabay Cabdifitaax Xuseen Kheyre oo isna kamid ah isla dhalinyarada magaaladaasi,iyadoo lafilayo in dhawaan lasoo dhamaystiri doono xubnaha harsan ee maamulka degmada ee madax xafiiseedyada iyo Hoggaanka nabadgalyadu ka mid yihiin.

Degmada feer-feer ayaa ah xarun istiraatiji ah oo dhacda xadka ay wadaagaan labada dal ee Ittoobbiya iyo Soomaaliya gaar ahaana labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelle,waxaana maamulkan cusub horyaala howlo  iyo baahi farabadan oo bulshada degmadaasi uqabaan ka faa’iideysiga adeegyada dawladu bixiso iyo horumarinta kheyraadka ku duugan dhulkooda.Degmada ayaa sidoo kale ah goob ganacsi oo isku xidha gobolo badan oo dalka iyo wadamadda deriskaba ah,waxaana halkaasi ka abuurmi kara fursado shaqo oo badan haddii sida ugu habboon loo maareeyo.

 

Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *