Boqoradii Reer Sacuudi Ee La Xidh-xidhay oo Sagxadda La Seexiyay!

Riyad(FMN)—Dhawaan ayay ahayd markii dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor;Muxammed Bin-Salmaan ,uu xabsiga u taxaabay in ka badan 11 xubnood oo isugu jiro boqorro,Wasiiro,Taliyayaal Ciidan iyo ganacsato ka wada tirsan boqortooyada Qoyska reer Aala-Sacuud ee leh talada dalkaas.

Dadka la xidh-xidhay ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal Musuq-maasuq iyo wax is daba marin ah oo ay ku kasbadeen hanti aad ufara badan oo balaayiin gaadhaysa.Inkastoo ay dad badani aaminsan yihiin in arintani ay tahay mid siyaasadeed oo uu dhaxal suguhu ku doonayo inuu kaga takhaluso xubnaha uu ka cabsi qabo in ay khal-khal galiyaan xukunkiisa.

Haddaba,waxaa soo baxay warar iyo macluumaad muujinaya in si fool xun loola dhaqmay boqoradii xabsiga la dhigay ee baaritaanka ku socday.Sawir ay si gaar ah u heshay Jariiradda DailyMail ee kasoo baxda carriga Ingiriiska ayaa muujinaya qaar kamid ah raggaas oo la seexiyay sagxadda hool weyn oo markii hore shirarka lagu qaban jiray,iyaga oo ku jiifa Furaash aan dusha waxba ka saarnayn oo isku duuduubay bustayaal duug ah.Falka noocaas ah oo laga dheehan karo bah-dilaad iyo qab jabin loo geysanayo maaqabeenadaas nolosha wacan ku jiray.

Si kastabaha ha ahaatee,lama hubo waxa uu ku danbeyn doono mustaqbalka raggan la xidhixidhay ee lagusoo oogay eedeeymaha la xidhiidha musuq-maasuqa ee ku jira gacanta guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa ee uu horkacayo wiilka uu dhalay boqor Salmaanka haatan haya talada dalkaas.

Leave a Reply