Boqolaal Dadweyne ah Oo Salaad Janaaso ah Ku Tukaday Barxada Isgoyska Zoppe Ee Uu Dhawaan qaraxu ka Dhacay.

Muqdisho(FMN)-Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid xaafada kala duduwan ee Magaalada muqdisho ka koobantahay ayaa maanta salaadii jimcaha kadin Janaaso  ku tukaday goobtii uu 14kii bishan ka dhacay qaraxii weynaa ee dadka badan galaaftay.Dadweynaha ayaa goobta isugu tagay ayaa salaada ka dib si wadar ah ugu  duceeyay dadkii dhawaan halkaasi lagu xasuuqay ee naftooda ku waayay  iyo kuwii ku dhaawacmayba.

Qaraxii sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay Is-goyska Km5 ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 400 oo ruux iyadoo in kadan 500na ay ku dhaawacmeen.Dawlada Soomaaliya aya ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroor diiq qaran ah iyadoo sidoo kalena la aas-aasay guddiga qurmad Qaran oo loogu talo galay in ay ka war hayaan dadkii ku dhaawacmay iyo eheladoodii.

Leave a Reply