Bannaan bax Balaadhan oo Kasocda Garoonka Koonis ee Magalada Muqdisho.

Muqdisho(FMN)-Kummanaan kun oo qof oo ka mid dadweynaha ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta sameeyay dibad bax weyn oo ay ku muujinayeen cadhada ay ka qabaan qaraxii weynaa ee dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho,kaas oo ay ku naf waayeen dad kor udhaafaya 400 oo qof.

Ujeedada bannaanbaxani ayaa ah in;lagu muujiyo sida looga soo horjeedo falkaasi,sidoo kalena loogu baroor diiqo dadkii ay waxyeelada ka soo gaadhay,lana dareensiiyo in hiil iyo hooba lala garab taaganyahay oo aanay marnaba cidloonayn.

Dibad baxa ayaa hadda  ka dhacaya garoonka Stadium Koonis ee magaalada Muqdisho.Dibad-baxayaasha oo isugu jira;dhalinyaro,haween iyo dad waaweynba ayaa ku dhawaaqaya erayo ay dareenkooda ku muujinayaan ,iyaga oo sidoo kalena qaadaya heesta calanka Soomaaliya.

Maamulka gobolka banaadir ayaa soo abaabulay bannaan baxan,Waxaana la filayaa in ay goobta ka hadlaan mas’uuliyiin ay kamid yihiin; Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane;Thabit Cabdi Maxamed , Madaxweynaha Soomaaliya Mudane;Maxamed cabdullaahi Farmaajo ,Ra’sul wasaare Xssan Cali Kheyre,Gudoomiyaha Maxkamadda Sare,Gudoomiyaha aqalka Sare.

Sidoo kale Xubno isugu jira Culumaa’udiin iyo Bulshada Rayidka ah,Ayaa iyaguna la rajaynayaa goobta soo gaadhay oo dadka salaamaya,lana rajaynayaa inuu halkaas uga khudbeeyo.

Ugu danbaynta ayaa la filayaa in bannaanbaxayaashu ay socod dheer kusoo maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho.Waa bannaan bixii ugu weynaa ee mudooyinkan udanbeeyay ka dhaca magaalada Muqdisho.

Halkan Ka Daawo sida uu yahay jawiga Garoonka Koonis ee uu Dibad Baxu Ka socdo.

Leave a Reply