Baadhitaan Culus oo Lagu samaynayo Gawaadhida Xammuulka ah ee Muqdisho Isaga Kala Goosha.

Muqdisho(FMN)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay culeyska baarista la xiriirta ee ay saarayaan Gawaarida Xamuulka, wixii ka dambeeyay Qaraxii lagu hoobtay 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari xamuul ah oo uu kaxeynayay nin naftii halige ah ayaa Todobaadkan bilowgiisa wuxuu beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe, halkaasi oo uu ku galaaftay nolosha boqolaal dad ah oo u badnaa Haween, Caruur iyo Ciroole.

Maalin ka hor Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku beegneyd Talaadadii waxa ay xireen ku dhowaad Todobo wado oo muhiim u ah shacabka oo ay sheegeen in yaalaan Gawaari sida waxyaabaha Qarxa, balse aysan jirin taxadarkaas ay sameeyeen wax ka soo naaso cadaaday oo la xiriira falal amni daro.

Qaraxyo dhowr ah ayaa Muqdisho ka dhacay hadaba goobaha ay ka dhaceen wadooyinka soo gala waxaa jooga Ciidamada Dowladda, tusaale Qarixii Zoobe, Isgoysyada Banaadir iyo Ex-control waxaa ku yaalla bara Ciidanka ay fariistaan, sidoo kale wadooyin kale oo ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay ayay joogaan Ciidamada, sidaasi oo ay tahay ma aysan qaban.

Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay joogaan dhammaan wadooyinka, waxaana la xiray jidadka yar yar ee soo gala wadooyinka, iyada oo taasi ay jirto ayay hadana si caadi ah u dhacaan mararka falalka la xiriira amni darada.

Shacabka reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in hal qaanad aysan isla wada galeynin in dadweynaha la caburiyo wadooyinka yar yarna laga xirto, hadana magaalada ay si caadi ah uga dhacaan Qaraxyada, iyaga oo laamaha ammaanka ku dhaliilay in ay gabeen shaqadooda.

Isha warkan:-

Leave a Reply