Akhriso Magacyada Xubnaha Gur-madka Qaran ee Qaraxii Muqdisho.

Muqdisho(FMN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane;Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.Gudigan ayaa si ku meel gaadh ah ugu howl galaya xarun laga furay Warshadii hargaha iyo saamaha.

Magacyada xubnaha Guddiga ayaa kala ah:-

  • Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)
  • Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)
  • Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)
  • Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)
  • C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
    (Xubin)
  • Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)
  • Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)
  • Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)
  • Ibraahim Isaaq Yarow W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)
  • Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)
  • Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)
  • Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)
  • Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)
  • Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
    C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)
  • Cabdi Baaruud (Xog-hayn).

Xigasho=Xaqiiqa Times.

Leave a Reply