Agaasime Kuxigeenkii Mac’hadka Cilmi baadhista iyo Siyaasada ee Itoobiya oo Iscasilay.

Addisabeba(FMN)-Kuxigeenkii Maareeyaha guud ee Mac’hadka Cilmi baadhista iyo Siyaasada ee dalka Itoobiya Mudane;Bereket Simon ayaa warqad shaqo ka tegis ah uqoray Xafiiska Ra’isul wasaaraha Itoobiya Mudane;Hailemariam Deselign.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Itoobiya Dr;Negari Lenchu,ayaa Radio Fana uxaqiijiyay jiritaanka warka ku aadan is casilaada bareket simon oo sidoo kale ah xubin sare oo kamid ah xisbiga talada haya ee EPRDF.Bereket ayaa sidoo kale kamid ahaa Guddiga sare ee bangiga Ganacsiga ee itoobiya.Ilaa iyo haatan ma cadda sabata dhabta ah ee ka danbeeysa is ruqseyntiisa.

Mac’hadka daraasada iyo Siyaasada ayaa ah laan hoos timaada xafiiska ra’isul wasaaraha oo u howl gasha qaab wasaarad ahaan,shaqadeeduna ay tahay in ay cilmi baadhis kusamayso siyaasada caalamka iyo midda itoobiya islamarkaana war bixino joogto ah kasoo saarto.Warbixinada ay soo saarto iyo talobixinteeda ayay ugudbisa xafiiska ra’isul wasaare;Hailemariam Deselign.

Dhawaan ayay ahayd markii uu isna iscasilaadiisa gudbiyay Af-hayeenkii Golaha Wakiilada Shacabka Obbo;Abbaadullaa Gamedhaa.Xilli ay Xiisado kacdoon wata ka jiraan qeyb kamid ah Dhulka Oromadu Degto.

Leave a Reply