Af-hayeenkii golaha wakiilada Shacabka ee Itoobiya oo iscasilay.

Af-hayeenkii golaha wakiilada shacabka ee dalka Itoobiya Obbo;Abbaadullaa Gammadhaa ayaa ku dhawaaqay inuu xisbiggiisa iyo golaha shacabkaba u gudbiyay warqad iscasilaad ah oo uu kaga tagayo xilka af-hayeenimada ee uu mudada dheer soo hayay.

Muuqaal kooban oo lagasiidaayay telefeshinka dawlada ayuu ku sheegay arinkaas waxaana uu yidhi;

Labaddii maalmood ee udanbaysay waxaa mareegaha Internetka iyo hay’adaha warbaahinta qaarkood;kusoo baxayay warar iyo weydiimo la xidhiidha shaqo kafadhiisigayga.Waxa aan doonayaa inaan halkan dadka ay khuseyso si kooban uga cadeeyo ilaa iyo haatan arintaas waxa ka jira.Waxa la iidoortay xubin golaha wakiilada shacabka ah,waxaa sidoo kale la iidoortay oo aan ku soo shaqeeynayay af-hayeenka gollaha shacabka.Haatan waxa aan soo gaadhay xilli ayna igu jirin wax awood iyo rabitaan ah oo aan howshaas kusii wado.Sidaas daraadeed,waxa aan codsigayga shaqo ka tegista ah ugudbiyay xisbigaygayga iyo gollaha shacabka,oo iyaguna si sharci ah intay arintaasi uga baaraan-degaan jawaab waafi ah isoo siini doona.Marka aan jawaabtaas helo ayaan shacabka ka jaahil bixin doonaa waxa igu kalifay inaan is cazilo.Se inta taas ka horeysa aniga oo qadiranaya xisbigayga iyo shacabkii isoo doortay ;ayaan shaqooyinka golaha shacabka si caadi ah usii wadi doonaa.Marka aan xilka ka degana waxii shacabka u dan ah ayaan qabani doonaa.Waad mahadsantihiin.”.

Abbaadullaa ayaa muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasada dalka Itoobiya waxuuna hore usoo qabtay xilal kala duduwan oo ay kamid ahaayeen;Madaxweynaha Ismaamulka Oromada,Wasiirka wasaarada gaashaan dhiga iyo jagooyin sar-sare oo xagga ciidanka ah.

Ugu danbayntii iscasilaadiisa ayaa kusoo aadaysa xilli uu dalkaasi wajahayo mawjado siyaasadeed oo dhinacyo badan kaga immaanaya,gaar ahaan dhanka kacdoon wadeyaasha kililada Oromada iyo Amxaarada oo u arka in nidaamka haatan jira aanu u adeegaynin danaha dadweynahooda loona baahanyahay in isbedel dhab ah lasameeyo.

W/D:-Cabdulrazaaq Macalin Cilmi.

 

 

Leave a Reply