8 Qof oo Ku dhimmatay Rabshado ka Dhacay Deegaanka Oromada.

Addisabeba(FMN)—Ugu yaraan  Siddeed qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ay  ku dhinteen mudaharaadyo ka dhacay degmada  AMBO oo hoostimaada gobolka galbeedka shawa ee Deegaanka Oromada.

Mudaharaadka ayaa sida la sheegay bilaabmay ka dib markii dadka deegaanku ay is hor taageen kolonyo xammuul ah oo Sonkor usiday dhanka magaalada Caasimada ah ee addisabeba,iyaga oo ku adkaystay in ayna sonkortaasi dhinacna udhaafeynin Magaaladooda.Saddex kamid ah gawaadhidaasi ayaana goobta lagu gubay.

Dadkii ku dhaawacmay mudaaharaadkaasi ayaa lagu soo waramayaa in lagu daweeynayo Cusbitaalka magaalada Ambo,iyadoo ay haatan xaaladu degantahay.Waxii kasoo kordha rabshada ka socda Deegaanada Oromada Dib ayaan Idinkala soo socodsiini Doonaa Inshaa allaahu.

 

 

Leave a Reply