100 Sano Guurada Markii Israa’iil Lagu Beeray Dhulka Reer Falastiin.

Novenber 3—FMN—Shalay waxa ay ku beegnayd 100 sano guurada  kasoo wareegtay markii yuhuudda lagu beeray ee la go’aamiyay in si qasab ah oo aan cidna lagala tashanin loo  dhex dejiyo dhulka Reer Falastiin ee daanta Gal-beed loo yaqaano.

Waa muddo hal qarni ah oo dadka reer Falastiin iyo guud ahaan bulshada Muslimka ahba qiimo adag ugu kacday maadaama xoog iyo dulmi looga qaatay dhulkoodii,dadkoodiina laga barakicyay.

1917 ayay ahayd markii uu Xoghayihii arimaha dibadda ee boqortooyada ingiriiska Lord Balfour shaaciyay warqaddii uu ku qornaa baaqii loogu magac daray Balfour ee  udiray Baron Rothschild,hoggaamiyihii  dhaq-dhaqaaqa Sahyuuniyada,taas oo  uu ku muujinayay taageerada ay dawlada ingiriisku uhayso in Israa’iiliyiinta lagu dhex talaalo dhulka reer falastiin si ay halkaasi uga dhistaan Dawlad iyaga ugaar ah oo Israa’iil looyaqaano.

Si kastaba ha ahaatee,Israa’iil;maanta waa dal awood badan oo ay aqoonsanyihiin inka badan 160 wadan,halka dadkii dhulka lahaay ee reer falastiina ay yihiin sacabooleey xoog lagu haysto oo aanay jirin cid si rasmi ah dawladnimo ugu aqoonsan,taas oo muujinaysa heerka ay gaadhsiisantahay caddaalad darida ka jirta dunidan aynu maanta joogno.

Leave a Reply